Sidee wariye rayid ah ugu yeertaa maxkamad ciidan?

Sidee wariye rayid ah ugu yeertaa maxkamad ciidan?

Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Puntland ayaa warqad ay soo saartay ugu yeertay agaasimaha guud ee Radio Daljir Md Ahmed Sh Maxamed Tallman.

Arintan ayaa ah talaabo kale oo kadhan ah Dastuurka Puntland iyo xadgudub loo geysanayo warbaahinta Daljir oo ay ku kacayaan Hay’adaha dawliga ee loo igmaday inay iyagu ilaaliyaan sharciga.

Ururka warbaahinta Puntland ee Map Puntland ayaa cambaareeyey talaabadan sharciga ka baxsan ee ay ku kacayaan Hay’adaha amaanku.

Gudoomiyaha Ururka MAP Caynsane Mohamed ayaa sheegay inaysan maxkamadu sharciyad u haysan qaadista dacwad la xiriirta shaqada warbaahinta sida ku cad qodobka 87aad ee Dastuurka Dowladda Puntland.

Caynsane waxa uu ugu baaqay Maxkamada ciidanka iyo guud ahaan laamaha dowladda Puntland inay ilaaliyaan oo ku dhaqmaan Dastuurka Puntland.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com