Sidee Soomaalidu Ku Heshaa Visa-ha Caafimaadka India

Sidee Soomaalidu Ku Heshaa Visa-ha Caafimaadka India

Dhowr jeer ayaan maqlay in dad Soomaaliyeed – oo waliba kuwo magac bulshada ku leh ku jiraan- ay arrimo caafimaad u aadeen dalka Hindiya. Waxaa la sheegay in lagu doortay adeeg caafimaad oo wanaagsan iyo qiimaha oo aad u jaban marka loo fiiriyo dalalka kale ee adduunka. Soomaalida kaliya ma ahane, dalal badan oo caalamka ah oo Yurub iyo Ameerika ka tirsan ayaa looga yimaadaa adeegga caafimaad ee Hindiya.

Bishii July ee sanadkaan, Ayaan adeeg caafimaad ugu baahannay wiil cidda u yar, Baaritaanno lagu marsiiyay Kenya iyo Soomaaliya kaddib, waxa noo soo baxday in aan Hindiya u qaadno, adeegga caafimaad ee aan ka heli karno iyo qiimaha oo aanan ka badnayn intii Kenya lagula sammayn lahaa- Laakin kaba yaraaday- dartood. Alle Mahadii waa lagu soo guulaystay waana ka soo laabannay.

Haddaba macluumka safarkaas qaarkiis ayaan jecleystay in aan idinla wadaago si dadka doonaya ay uga faa’iideystaan.

Sideed ku heli kartaa fiisaha Hindiya?

Soomaalidu waxa ay dhibka ugu badan kala kulmaan helidda Fiisaha Caafimaadka ee Hindia. Waxaa u sabab ah, Hindiya oo safaarad ku lahayn Soomaaliya iyo bukaannada intooda badan ama qaraabadooda raaci rabta oo aan dalalka dariska ah si fudud ku tagi karin si ay Fiisaha u dalbadaan. Arrintaasi waxa ay keentay in ay abuurmaan dallaallo lacag badan ka qaata Soomaalida si ay fiisaha ugu soo saaraan. Waxaa laga yaabaa in kun dollar iyo badan laga qaado qof si fiiso loogu soo saaro, halka lacagta ay safaaradda Hindiya ay fiisaha caafimaad ka rabto ay tahay 80 ilaa 120 doollar.

Dhibkaan, Dowladda Soomaaliya iyo dowladda Hindiya waa ay ka wada hadleen, Safarkii ugu dambeeyay ee Wasiir Yuusuf Garaad ku tagay Hindia, waxaa la isla gartay in xafiis fiisooyinka bixiya laga hirgaliyo magaalada Muqdisho – inta ay Hindiya safaarad uga furaynayso Soomaaliya, si Soomaalida gudaha joogto halkaas uga helaan Fiisaha ama dal ku galka. Arrintaasna waa lagu howlan yahay.

Wareerka kale ee Soomaalida haysta waa in aysan badankoodu ogayn dokmentiyada laga rabo si ay fiisaha Hindiya uga dalbadaan Kenya ama Itoobiya. Haddaba waxaad u baahan tahay sagaalkaan dokoment si aad u codsatid fiisaha Hindiya.

1. Baasaboor ugu yaraan lix bil ka dhimman tahay waqtiga uu dhacayo.
2. Tikit soo socod iyo soo socod ah (go and back).
3. Sawir teesaro oo cabbirtkiisu yahay 2×2.
4. Warqad isbitaal ama dakhtar jooga halka aad ku nooshahay uu ku caddeynayo xanuunkaaga.
5. Warqad casuumaad ah oo uu kuu soo diro Isbitaal ku yaalla Hindiya. (Sida aad ku heli kartid dib ayaan ku sheegi doonaa)
6. Warbixinta xisaabta bangigaaga (account statement) – sababta loo rabo waa in la ogaadaa in qofkani awoodo qarashka ku baxaya caafimaadkiisa.
7. Foomka dalbashada fiisaha Hindiya oo buuxsan – Foomkaan waxaa laga helaa bogga safaaradda Hindiya, waxaana lagu buuxiyaa online.
8. Buugga jaallaha ah ee caafiaadka – Buuggaan si aad u heshid waxaa wanaagsan in aad qaadatid tallaalka lagu helo oo caafimaad ahaan ku anfacaya marka aad u safraysid dalal kale.
9. Warqad ay kuu soo qorto safaaradda Soomaaliya ee Kenya ama Itoobiya taas oo ku socota Safaaradda Hindiya si ay fiisaha kuu siiso.

FG. Safaaradda Soomaaliya ee Kenya, waxa ay warqaddan qofka bukaanka ah iyo qofka la socda ku siisaayaa lacag dhan 50$, waa labada qof.

Marka aad intaas oo dokomentiyo ah soo diyaarsatid waxa aad la aadaysaa Safaaradda Hindia ee Kenya ama Itoobiya, saacadaha ay qabtaan codsiyada fiisaha waa 9:30am ilaa 11:00am.

Qeyb kale ayaan uga hadli doonnaa marka aad tagtid Hindia iyo qaabka aad u heli kartid adeegga caafimaadka.

W/Q: Yuusuf Sheekh Ciise

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
  • Marwaan khadar 5 years ago

    Waxaan Rabat in Ana Hindiya Ana waxkabarto jaamacada Hindiya ee haydarabaad osmania university fakalka Ana rabi software engineer

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com