Sidee Madaxweyne Gaas lagu soo dhaweyaay Baydhabo (Sawiro)

Sidee Madaxweyne Gaas lagu soo dhaweyaay Baydhabo (Sawiro)

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa maanta oo taariikhdu tahay 3 June 2018 si diiran loogu soo dhoweeyey magaalada Baydhabo ee caasimadda kumeel gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa Waxaa Garoonka Diyaaradaha Ee Magaalada Baydhabo kusoo dhaweeyey madaxweynha Dowlad Goboleedka Kuunfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, masuuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed iyo Shacabweyne lulayey caleemo qoyan.

Ujeedka safarka Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ah ka qaybgalka shirka ka furmidoona saacadaha fooda inagu soo haya magaalada Baydhabo, shirkaasi oo ay ka qaybgali doonan Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo madaxda Dawladaha xubnaha ka ah dowladda DF Soomaaliya, shirkaas oo lagu gurfeyndoono arimaha siyaasada, Cadaalada iyo amaanka guud ee Soomaaliya.

Dhinca Kale Madaxweymaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo warabaahinta lahadlay markii uu gaadhay magaalada Baydhabo ayaa sheegey inuu magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka maamulka Koonfur Galbeed uu u yimi ka qayb galka Shirka amniga Qaranka.

“Aad iyo aad baan ugu mahad naqaynaa madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo shacabka reer Koonfur Galbeed soo dhoweenta iyo walaaltinimada ay nagusoo dhoweeyeen, marwalba waan uga mahad naqaynaa soo dhoweenta ay kamuuqato ehelnimo iyo Soomaalinimo waa ku mahadsan yihiin, waxaan u maleen laba todobaad ka hor bay ahayd markaan halkaan iskugu nimid Madaxda Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka soomaaliya, hadana waxaa la iskugu soo laabtay baydhabo inuu ka dhaco shirkii amniga qaranka Soomaaliya, waxaan rajeenaynaa inuu shirkaas noqdo mid mirodhala oo u horseeda guul iyo horusocod aad ayaad u mahad santihiin” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Ugu Danbayn Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa inta uu joogo magaalada Baydhabo wuxuu kulamo la qaadan doonaa Madaxda Dawladdaha xubnaha ka ah Dawladda Federaalka soomaaliya, iyadoona madaxweynuhu kala xaajoondoono xaaladda dalka soomaaliya uu ku jiro xiligaan iyo sidii salka loogu dhigi lahaa amaanka guud ee Soomaaliya.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
  • NUURKANEDERLAND 6 years ago

    BAHAL HIGLO AFQARMUUNA KUMA KALA TAGTO WAXNA ISKUMA BIIRISO.
    SHIRKANI WAA SHIRKII GOOGAALAYSIGA.

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com