Sidee ayey Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida u qaadaa kiisaska soo gaara (Faallo)

Soomaaliya waxay ku jirtaa xaalad soo kabasho oo dhan kasta ah, waxaa soo hagaagaya addeegyada garsoorka, amniga, caafimaadka iyo waxbarashada kuwaasi oo dhibaato badan dadka shacabka ah ay ku qabi jireen muddo badan.

Qormadaan waxaan ku eegeyaa isbadalka sida xowliga ah ku socda ee hadda ka hana qaaday Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ,qeybaheeda darajadeeda koowaad iyo midda sare oo ku guuleystay kiisas culus inay qaadaan, iyaggoo cadaaladda iyo sharciyadda dalka uu leeyahay umaraya .

Garsoorka Ciidamada qalabka sida, ayaa waxay xaliyaan isbuuc kasta kiis dacwadeed gaaraya Lix ilaa iyo Todobo, kuwaasi oo isugu jira kuwa ay galeen Ciidamada qalabka sida iyo Maleeshiyada argagixisada ah ee Alshabaab, waxay arrintaasi ku tusineysaa in guddoonka Maxkmadda ay ka go’antahay in la dardar galiyo howlaha Maxkamadda.

Kiis walba meeshii uu ka dhacay ayey maxkamadda tagtaa, si halkaasi xukunka uu uga dhaco, waxay kiisas kala duwan ku qaaday qaar kamid ah gobolada dalka sida Maamulada Koonfur-galbeed Hirshabeelle iyo Gal-mudug, iyaddoo maxkamadda magaalooyinkaas ay ka fulisay xukunno kala duwan oo ay galeen Askar dowladda ka tirsanaa iyo kuwa Maleeshiyada Alshabaab ka tirsanaa.

Eedeysanaha dambiyada ciidanka ku saabsan gala waxaa marka hore kiiskiisa qaada Maxkmadda Darajada koowaad ee Ciidamada qalabka sida, qareen ayaa loo qabtaa, xeer ilaalinta Maxkamdda ayaa dambiyadii uu galay kusoo oogta, waxaana garsoorka maxkamadda uu dhageystaa kiisaska la keenay, marqaatiyaasha, xeer ilaalinta iyo qareenada eedeesaneyaasha loo qabtay, iyaddoo dood dheer kadib maxkamadda go’aan ay ka gaarto kiis dacwadeedka markaasi taagan, sidaasi ayuuna xukunka u dhacaa, intaasi waxaa dheer in qofka la xukumay uu qaadan karo racfaan, si qodobadii lagu eedeeyey dib loogu soo baaro, kiiskaasi ayaana ka gudba maxkamadda darajada koowaad ee CQS, waxaana uu u gudbaa Maxkamadda Sare ee C.Q.S.

Guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed, G/sare Xasan Cali nuur Shuute, ayaa sheegay arrinta la xiriirta qareen u qabashada Qofka eedeysanaha inay tahay sharci,isagoo intaa ku daray in uu xaq u leeyahay eedeysanaha helidda qareen u doodo, balse haduu qabsan Karin qareen ayuu tilmaamay inay waajib tahay in dowladda ay u qabato.

“Arrinta la xiriirta qareenka waa arrin sharci ah, garsoore ama guddoomiye maxkamadeed sidduu doono kama yeeli karo, waa arrin dastuuri ah, qofka markii dambi lagu eedeeyo waxuu xaq u leeyahay inuu qareen helaa, haddii uu qabsan Karin waxaa waajib ah in dowladda ay u qabato, kiisaska qaar waxaan sameynaa in eedeysanaha aan u qabano labo qareen ah, dacwo hufan oo cadaalad ah ma dhici kareyso haddii aan la helin cidda eedeysanaha Eedeyneysa oo xeer ilaalinta ah iyo cidda difaaceyso Eedeysanaha oo qareenkii ah iyo maxkamadda oo ah qoortii labada garab u dhaxeysay” ayuu yiri guddoomiye Shuute

Markii shaqada maxkamadda ay laba jibaarantay waxaa yaraaday kiisaskii tirada badnaa ee waqtiga badan lagu bixin jiray xalintooda, kuwaasi oo ah in loo fariisto dacwad ku saabsan Askari kufsi geeystay, askari qof dilay iyo Askari isbaaro dhigtay, waxaana kiisaska hadda la qaado ay u badan yihiin arrinta maleeshiyaadka Nabad diidka ah ee Alshabaab, taasi oo ku tusineyso in maxkamadda ay la jaan qaaday xaaladda dalka ee ku saabsan dagaalka ka dhanka ah nabad diidka, waxaana gasha ka baxsan seefta cadaaladeed ee Maxkamadda, mana jirto cid dambi gashay oo seeftaasi loogu turaayo sida uu sheegay Guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee Ciidamada qalabka sida.

Eedeysaneyaasha racfaanka ka qaata xukunada Maxkamadda darajada koowaad ee Ciidamada qalabka sida, ayaa waxay u gudbaan Maxkamadda sare ee Ciidamada, si looga dheeraado in qofka eedeysanaha ah isaggoo aan ku qanacsaneyn go’aanka Maxkamada xukunkaasi lagu oofiyo, haddaba markii Maxkamadda sare uu usoo gudbo siddee loo wajahayaa kiiskaas?

“Xaaladdiihii maxkmadda darajada koowaad uu kusoo maray ayuu marayaa mar kale, kiiskiisa ayaa dib loo baarayaa, baaris dheer kadib haddii Maxkamadda ay usoo baxdo in xukunka ku dhacay eedeysanaha ee racfaanka uu ka qaatay uu sax ahaa ay ku xukumeyso isla xukunkaasi mar kale, balse haddii baarista maxkamadda sare ay kusoo baxdo dambiyo kale oo dheeraad ah eedeysanahaasi xukunkiisa ayaa ka adkaanaya kii horey ugu dhacay, dad waxaa jira markii la baaray kiisaskoodii dambi lagu waayey oo la sii daayey” mid kamid ah garsoorayaasha Maxkmadda ciidamada ayaa siddaasi inoo sheegay .

Arrimahaas oo dhan waxay ku tusinayaan in guddoonka Maxkamadda ciidamada qalabka sida ay iska fogeeynayaan in eedeysane la dulmiyo oo dacwo uusan laheyn dusha laga saaro, iyaddoo kii galayna la fasaxayo, arrinta ugu muhiimsan waxaa ah in marqaatiyaasha garsoorka la horkeeno dhammaantood lagu dhaariyo Kitaabka Qur’aanka kariimka ah, waxaana la weydiiyaa su’aalo kala duwan oo ku saabsan kiiska la qaadayo markaasi, si hadalka marqaatiga loo kala saaro oo run iyo been midkuu sheegayo loo hubiyo, dabagalna loogu sameeyo.

Xafiiska Xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada qalabka sida, ayaa wacyi galin u sameeya Ciidamada qaranka, waxaana kamid ah in la baro sharciyada muhiimka ah ee Ciidanka iyo ilaalinta anshaxa iyo gudashada waajibaadkooda, si ay uga dheeraadaan wax kasta oo ka hor imaanaya qawaaniinta dalka uu leeyahay.

W/D:- C/raxmaan Maxamed Gacan


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com