Sidee ayay u dhacday munaasabaddii dhagax dhigga Garacad Port (Sawiro+dhegaysi)

Sidee ayay u dhacday munaasabaddii dhagax dhigga Garacad Port (Sawiro+dhegaysi)

Madaxwaynaa dowladda Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta dhagax dhigay dhismaha dekedda cusub ee Garacad ee gobolka Mudug, kadib markii dhowaan la keenay qalabkii lagu dhisi lahaa.

Dhismaha dekedda ayaa waxaa uu yahay mashruuc isku tashi ah oo ay sameynayaan bulshada Puntland, gaar ahaana gobolka Mudug.

Dhismaha dekedda ayaa dhererkeedu yahay 636m, Ballac gaaraya 50m iyo Qotinkeeda hoose 11.5 ilaa 14.5m, waxaana ku baxaya lacag gaaraysa 40 Milyan oo dollar, iyadoona ay dhisi doonto shirkada laga leeyahay wadanka Turky ee TTN.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo hadal kooban ka jeediyay xafladda dhagax dhigga Dekedda Garacad ayaa yiri

 

“aad iyo aad baan idiin salaamayaa iyada oo ay idiinku horeeyaan gudoonka Baarlamaanka iyo isimada, waxaan leeyahay marka hore Soomaaliya hanoolaato, Puntland hanoolaato, isku tashigu hawaaro, runtii aad iyo aad baan ugu faraxsanahay kasoo qayb galka xafladdan, intii soo qaban qaabisayna aad baan ugu mahad naqayaa uu guddigu ugu horreeyo, inta kasoo qayb gashayna aad iyo aad bay ugu mahadsan yihiin, meelkasta oo ay ka yimaadeenba waxaan islee yahay maanata saxan-saxada iyo uduga ayaan ka gartaa inay hirgalayso dekeda Garacad, maanta Puntland oo dhan baa halkan timid maraan fogeyna Soomaali oo dhan baa imaanaysa, dekedaasi marka ay dhisanto ma noqonayso mid heer, mid dagmo, mid Soomaaliya ma noqonayso ee waxay noqon mid mandiqada oo dhammiay ka faaidaystaan”

Issimada ugu waawayn ee Puntland iyo wasiirka dekedaha iyo gaadiidka badda Puntland Eng Siciid Maxamed Raage ayaana ka qaybgalay munaasabadda.

Hoos ka dhegayso khudbadii madaxwaynaha Puntland.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com