?Sida Al-shabaab ayaan ula dhaqmaynaa cid kasta oo doonaysa in ay malayshiyo ka hawlgaliso Muqdisho? M/weyne Shariif.

Muqdisho, Aug, 14 – M/weynaha dawladda Federalka Sh. Shariif Sh. Axmed ayaa maanta sheegay inay dawladdu sida Al-shabaab oo kale ula dagaalamayso cid kasta oo doonaysa inay awood ciidan oo ka baxsan dawladda ka samaysato magaalada Muqdisho.

Arintaan ayaa u muuqata in madaqa in M/weynuhu ula jeedo hadii ay dhacdo in hoggaamiye kooxeedyo ay qabsadaan goobihii ay ka bexeen ururka Al-shabaab taas oo dawladdu ay farta wadnaha uga hayso, uuna jiro wal-wal ballaaran oo arrintaasi la xiriira.

M/weyne Shariif oo shir jaraa?id ku qabtay xarunta madaxtooyada ayaa dhinaca kale digniin u diray dadka haysta hantida dawladda, sida guryaha iyo agabkii kale ee ay lahayd dawladdii dhexe oo muddo 20 sano ka badan ay haystaan dad shacab ah oo isa siiyey, iyo in sidoo kale dadka shacabka ah oo guryahooda xoogga lagu haysto loo celiyo haddii ay taasi dhici waydana ay dawladdu tallaabo qaadi doonto.

Waxaa kale oo uu ka hadlay M/weynuhu dhibaatooyinka ay abaaruhu keeneen iyo sida ay tahay in laysaga kaashado u gargaaridda dadkaasi iyo sidii amni buuxa u heli lahaayeen.

Diiwaanka Wararka
Radio Daljir

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com