Shirweynihii Jaaliyaddaha Puntland oo Denmark Lagu Soo Gabagabeyeey

Shirweynihii Jaaliyaddaha Puntland oo Denmark Lagu Soo Gabagabeyeey

Waxaa lugu soo gabagabeeyay magaalada Copanhegan ee dalka Denmark shirwaynihii 3-aad ee Dalada Qurba joogta Puntland ee Europe, kaasoo socday 5-8.10.2017 ka soo qayb galeen 7 dal oo Europe ah “Sweden, Norway, Denmark, Bortugal, UK, Ireland & Finland iyo xeeldheerayaal badan oo aan iyagu matalaynin ururo.

Sidoo kale waxaa kasoo qayb galay shirka masuuliyiin ka socota dawlada Puntland sida wasiirkii hore ee maaliyada Faarax Shire,Wasiir ku xigeenka wasaarada warfaafinta hidaha iyo dhaqanka mudane Cabdirisaaq Cumar ismaaciil iyo ku xigeenka agaasimaha guud ee hayada xiriirka jaaliyadaha Puntland mudane Xabiib Faarax.

Shirka oo ay ka muuqatay agaasinkiisa hab cusub oo casri ah, lagana soo jeediyay aragtiyo, cilmi baarisyo iyo doodo kala duwan ayaa waxaa si qoto dheer looga dooday baahida loo qabo in dhamaan jaaliyadaha la midoobo, maskaxda iyo muruqana laysu geeyo si ay u sahlanaato in ururada/jaalidayaha Puntland ee Europe la tayeeyo si wax qabad muuqda looga gaysto gudaha Europe kadibna loogu gudbo dalkii hooyo ee Somalia si guud iyo Puntland si gaar ah.

Gaba gabadii shirka waxaana lagu doortay halkaas golaha fulinta ee daladdu yeelanayso, sidoo kale waxaa loo doortay gudoomiyaha guud ee golaha fulinta ee daladda Pedan. Guddigaas la doortay ayaa ka kooban 7 xubnood, kuwaas oo kala ah.
1. Guddoomiyaha Dallada Mudane Xussein Dahir Derbi
2. Farah Issa Said.
3. Ubah Abshir.
4. Mohamed Abdile Farah
5. Deeqo Dirie
6. Aamiina Muuse.
7. Abdigani Ahmed duale
Shirkaas ayaa waxaa martigeliyey Ururka Kulan Organization ee dalka Denmark.

Daladdu waxay ugu baqaysaa qurba joogta kale ee Soomaaliyeed inay iyaguna u midoobaan sida ay u midoobeen qurbajoogta Puntalnd ee Europe, si loo helo midnimo Soomaaliyeed.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com