Shirweynaha ka hortagga argagixisada iyo istaraatijayada dabargoynta oo maantay ka furmay Garowe.

Garawe, May, 11, 2015 – Madaxaweyne ku xigeenka Dawladda Puntland ahna ku simaha Madaxweynaha Eng. Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 12-5-2015 si rasmi ah hoolka Baarlamaanka Puntland uga furay shirweynaha ka hortagga argagixisada iyo istaraatijayada dabargoynta argagixisa Dawladda Puntland ee Soomaaliya.

Shirweynahaan ayaa waxaa ka soo qeyb-galay Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Siciid Xassan Shire, Culimo udiin isaga kala timi guud ahaan Dalka Soomaaliya , Wasiiro iyo xildhibaano katirsan xukuumadda Puntland , Golaha garsoorka Puntland, Waxgarad, Cuqaal, Isimo, gudoomiyaasha Gobolada iyo Degmooyinka Puntland qeybtood, Haween, Dhalinyaro, Saraakiil ciidan iyo masuuliyiin kale oo Gobolada Puntland ka yimi.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Dawladda Puntland Siciid Xassan Shire ayaa dawladda Puntland ku amaanay dadaalka horumarineed ee ay ka gaartay ladagaalkanka Burcad diimeedka Al-shabaab, waxaana u shacabka ugu baaqay in dhankooda kamidaysnadaan la dagaalanka kooxdaasi.

Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Eng. Camey oo khudbad taariikhi ah ka jeediyey madasha ayaa sheegay in muhiim tahay in meel looga soo wada jeesto sidii loo dabar goyn lahaa Burcad diimeedka Ururka xagjirka ah ee Al-shabaab oo hada awoodoodu gabaabsi tahay, waxaana uu shacabka reer Puntland ku dhiirigeliyey in dadaalkooda ay ku diidan yihiin kooxdaasi laba jibaaraan.

\’\’ Inagoo aaminsan Ilaah waa in aynu kuligeen u diyaar garowno sidii aynu isaga celin lahayn Burcad diimeedka Al-shabaab oo cadow ah cidnana aan dhaafayn , hooyo dhaafayn , aabe dhaafayn oo xataa aan walaal iyo culimaba dhaafayn \’\’ Ayuu yiri Eng. Camey.

\’\’ Waxaan umadda Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan u sheegayaan in umaddani isku cadow yihiin , waxaa la sheegayaa inay jiraan dawlado iyagu xiriir iyo hashiis hoose la leh argagixisada , Puntland marnaba kuma talagelin inay xiriir la samayso hadana la samaynmayso \’\’ Ayuu hadalka raaciyey Madaxweyne Cabdixakiin Camey.

Shacabka reer Puntland dal iyo dibad meelkasta oo ay joogaan ayuu Madaxweyne ku xigeenku ka dalbaday inay xoojiyaan la shaqeynta laamaha kala duwan ee amaanka Puntland si loo dabar gooyo burcad diimeedka Al-shabaab.

 

DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com