Shirwaynaha Haweenka ku hadla Af-soomaaliga oo galay maalintii labaad, goor-dhawna lafilayo inuu soo xiro M/kuxiggeenka Puntland General: C/samad Cali Shire.

Garowe, January, 11 ? Waxaa maalintii labaad galay shirka haween-waynaha ku hadla af-soomaaliga, kaasi oo maalintii shalay ahayd si rasmi ah uga furmay magaalada Garowe.

Shirkaan oo ay kasoo qayb-qaateen ergooyin kor u dhaafaya illaa 150 haween ah, ayaa waxaa intii uu socday aad loogu jeex-jeexay danaha haweenka Soomaaliyeed, gaar ahaan gudniinka waxyeeleeya haweenka, waxaana la filayaa in goor-dhaw shirkaasi laga soo saaro war-murtiyeed dhamaystiran.

Marwo Maryan Aways Jaamac oo ah wasiirka hormarinta haweenka iyo arrimaha qoyska ee DFKS oo maantay ka hadashay shirka ayaa sheegtay inay muhiin tahay haweenku inay door-muuqda ku yeeshaan arrimaha, dib-uhishiisiinta, nabadda, siyaasadda, baahinta-xukunka, shaqooyinka, iyo waxyabashada, arrimahaasi oo dhana laga dheehan-doona nuxurka qodobada kasooo baxa shirka.

Galabtay ayaa la filayaa in shirkaasi si toos ah loosoo xiro, waxaana xirtaanka shirka lagu casumay kuxiggeenka madaxwayanaha dawladda Puntland General: Cabdisamad Cali Shire, iyadoo lafilayo in shirkaasi ay ka soo baxaan qodobo wax ku ool u ah haweenka Soomaaliyeed.

Diiwaanka Wararka
Kooshin D.Garowe http://daljir.com/


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com