Shirkii Wadatashiga Qaran oo Muqdisho ka furmaya

Maanta oo Sabti ah ayaa qorshuhu yahay in Magaalada Muqdisho ay kulan ku yeeshan golaha wadatashiga Qaran oo ka kooban, Ra’iisul Wasaare rooble, madaxweynayaasha Shanta dowlad Goboleed & gudoomiyaha Gobolka Banaadir, hayeeshee ay u muuqato in uu dib u dhacayo shirkaas.

Shirkan oo looga hadlayo arrimaha doorashooyinka iyo howlihii ka qabsoomay tan iyo heshiiskii 27-kii May, waxana uu ka dhashay kadib kulanka khadka I nternet-ka ah oo ay yeesheen Golaha wadatashiga Qaran.

Magaladda Muqdisho ayaa waxaa Madaxda dowlad Goboleedyada kajooga madaxweynaha Koonfur Galbeed cabdi Casiis Xasan Maxamed ( laftagareen) oo shalay soo gaaray, taas oo keeneysa in uu shirka dib uga dhaco waqtigii loo qorsheeyay.

Madaxweynayaasha Maamulada, Puntland, Jubbaland, HirShabeelle & Galmudug ayaa waxaa la filayaa inay soo gaaraanb magaalada Muqdisho, waxaana Warar soo baxaya ay sheegayaan in dib u eegis lagu sameeynayo qaar kamid ah qodobadii heshiiskii doorasho ee la gaaray 27-kii Bishii May.

Howlaha doorashooyinka Soomaaliya ee loo xilsaaray Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa xilligaan meel wanagsan maraya, iyada oo dhawaan la filayo in guud ahaan dalka ay ka bilaawdaan howlaha doorashooyinka ee Xildhibaannada labada Aqal.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com