Shirkii wada-tashiga Soomaaliya oo Furmay

Isniin, Oktoobar 19, 2015 (Daljir) —Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si rasmi ah u furay shirka madasha wada rashiga qaran ee doorashada sanadka 2016, iyadoo shirkan uu soconayo muddo labo maalmood ah.

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxweynaha, Guddoomiyaha Baarlamaanka, Ra’iisul Wasaaraha, Madaxda Maamul goboleedyada, Wasiiro, Xildhibaano, wakiilo ka socda Beesha Caalamka iyo Ururada Bulshada rayidka ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlayay furitaanka shirka ayaa sheegay in ahmiyad gaar ah uu shacabka u leeyahay shirkan, isla markaana ay ka wada tashanayaan aayaha dalkooda, waxaana uu tilmaamay in talooyinka ka soo baxa shirkan ay dowladda dhaqan gelin doonto.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in waxa tashanaya ay yihiin Soomaali, halka lagu tashanayo ay Soomaaliya tahay, waxaana uu tilmaamay waxa laga tashanayo ay yihiin danaha Soomaaliya.

Waxaa uu shirkan furitaan u yahay fadhiga koowaad ee wada tashiga ku aadan hanaan doorasho oo Soomaaliya ka dhacda sanadka 2016, marka dowladda federaalka uu waqtigeeda dhamaado.

Sidoo kale wada tashiga maanta bilowday ayaa socon doona ilaa bisha December, waxaana madaxda Gobolada iyo ururada bulshada ay ku laaban doonaan magaalooyinka, si ay wada tashiyo ula soo sameeyaan bulshada, si ay isugu raacaan hanaanka doorasho ee looga gudbayo sanadka 2016.

Talooyinka iyo wada tashiyada ay soo bandhigaan dowladda federaalka, maamul goboleedyada iyo ururada bulshada waxaa loo gudbin doonaan hey’adaha dastuuriga, si ay u meel mariyaan.

By: Abdirashiid

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com