Shirkii Wada Tashiga Madaxda Qaranka Soomaliyeed oo Ka Furmay Muqdisho (dhegayso)

Shirkii Wada Tashiga Madaxda Qaranka Soomaliyeed oo Ka Furmay Muqdisho (dhegayso)

Shirkani oo ka qabsoomay xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya ee Muqdisho ayaa waxaa sidoo kale ka qayb galay Madaxweynaha DFS Mudane. Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaan, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan, Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf, iyo Madaxweynaha Hir-shabeelle Maxamed Cabdi Waare.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Fadaraalka iyo Dib u heshiisiinta Cabdi Faasax Saciid Juxa ayaa ka warbixiyey ajandaha lagaga arrinsan doono shirkani wada tashi ee Muqdisho uga furmay DFS iyo dawladdaha xubnaha ka ah DFS, waxaana uu sheegay Wasiirku in shirka lagaga arrinsan doono guud ahaan amniga guud ee dalka iyo aarimaha kale ee ubaahan in laga yeesho wada tashiga.

Madaxweynaha dawladda Puntland ahna Guddoomiyaha Madasha Wada tashiga dawladdaha xubnaha ka ah DFS ayaa uga tacsiyey shacabka Soomaaliyeed dadkii ku waxyeeloobey qaraxii shalay 28 October 2017 ka dhacay hotel Naasa Hablood ee magaalada Muqdishio , isagoona Madaxweynuhu Alle uga baryey intii ku nafweydey qaraxaasi inuu samir iyo iimaan ka siiyo Eheladii, Qarabadii iyo Asxaabtii ay ka baxeen, waxaana uu Madaxweynuhu Eebbe weyne u waydiinayaa inuu denbigooda dhaafo kuna abaal mariyo Janatul fardawsa.

Sidoo kale Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Alle uga baryey intii ku dhaawacantay qaraxaasi inuu u boogadhayo, Allena caafimaad taama shiiyo, isla markaana waxa uu Madaxweynuhu shacabka Soomaliyeed ku booriyey inay meel uga soo wada jeestaan cadawgooda gumaadaya ee Al-shabaab.

Ugu danbayn, Shirkani wada tashi ee Muqdisho uga furmay madaxda qaranka Soomaliyeed ayaa lafilayaa in lasoo gebagebeeyo maalmahan soosocda, isla markaana laga soo saaro go’aamo dhaxal gal ah.

dhegayso wariyaha Radio daljir ee Muqdisho oo warbixintan Muqdisho kaso diray

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com