Shirkii Todobaadlaha ee Golaha Xukuumadda Puntland

 

Warsaxaafadeed

Shirkii Golaha Xukuumadda Dawladda Puntland oo uu shir-guddoominayay Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa looga hadlay Amniga Puntland, Ilaalinta xuquuqda Ciidanka, Ansixinta xeerka Habka Hubinta Badeecadaha, Ka Hortagga khatarta kaallimaha shidaalka ee Magaalooyinka waaweyn iyo Ansixnta Xeerka Shaqaalaha Rajidka ah ee Puntland.

Amniga Puntland:

Golaha xukuumadda Dawladda Puntland ayaa caddeeyay in amniga Puntland uu wacan yahay, waxayna laamaha amnigu ku hawlan yihiin ka hortagga khatarta cadowga, waxaana ka socda magaalooyinka waaweyn baaritaano joogto ah, Isla markaana wuxuu Madaxweynuhu u sheegay Wasaaradda Amniga inla ilaaliyo xuquuqda ciidanka ku dhinta hawl-galka dalka.

Ansixinta Xeerka Habka Hubinta Badeecahada:

Golaha xukuumadda Dawladda Puntland ayaa maanta Ansixiyay xeerka Habka Hubinta Badeecadaha dalka soo gelaya si looga hortago waxyeelada badeecaha dhacay iyo kuwa sumaysan.

Ka Hortagga Kharta Kaallimaha Shidaalka:

Golaha xukuumadda Dawladda ayaa ka dooday sidii si dhamesytiran loogu fulin lahaa dhammaan goaamadii goluhu kasoo saaray kharta kaallimada shidaalka oo ku soo badanaya magaalooyinka waaweyn, wuxuuna Madaxweynuhu faray dhammaan wasaaradda ay khusayso goaamadaan in ay si dag dag ah uga hawl-galaan.

Ansixinta Xeerka Shaqaalaha Rayidka ee Puntland:

Golaha Xukuumadda Dawladda ayaa maanta Ansixiyay xeerka shaqaalaha rajidka ah ee Puntland, xeer kaan oo xoojinaya horumarinta shaqaalaha Dawladda Puntland.

Xafiiska Afhayeenka Madaxtooyada Dawladda Puntland


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com