Shirkii Madaxda Maamul Gobaleedyada & DFS oo Muqdisho ka furmaya

Shirkii Madaxda Maamul Gobaleedyada & DFS oo Muqdisho ka furmaya

Magaalada Muqdisho waxaa maanta la filayaa in uu ka furmo shir u dhaxeeya madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada iyo Dowladda Federaalka ah.

Shirkan waxaa horay ugu dhawaaqay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo,waxaana ujeedadiisu tahay in la soo gaba gabeeyo khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya labada dhinac.

Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada ayaa shalay iyo dorraad soo gaarayay Magaalada Muqdisho,waxaana ugu dambeeyay Madaxweynaha Maamulka Puntland C/Wali Maxamed Cali Gaas.

Shirkan ayaa la filayay in uu shalay ka furmo Magaalada Muqdisho,waxaase Wasiirka amniga Cabdi Faarax Siciid Juxa uu ku dhawaaqay in shirka uu maalin dib u dhacay Islarkaana qorshuhu yahay in maanta uu ka furmo Magaalada Muqdisho.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0