Shirkii Madaxda Dowladda Islaamka oo Turkiga ka furmaya

Shirkii Madaxda Dowladda Islaamka oo Turkiga ka furmaya

Shirkaan ay ka qeyb galayaan Madaxda Dowladaha islaamka waxaa casumaadiisa leh Madaxweynaha Turkiga Rayid Dayib Ordegan kadib go’aankii Madaxweynaha Mareykanka uu Magaalada Quddus ugu aqoonsaday Caasimadda Isreal.

Kulamo gaar gaar ah ayee madaxda ka qeyb galeysa shirka xalay ku yeesheen Magaalada Istanbul, Soomaaliya waxaa u matalaya Madaxweynaha Dalka Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, waxa uuna ka jeedinayaa Khudbad uu kaga hadlayo Mowqifka Dowladda ee Magaalada Quddus.

Khudbadda Daah furka uu qaadanayo Madaxweyne Ordegan kadib waxaa ku xigi doona Shiikh Yuusuf Al-Qardaawi oo kamid ah Culumada ugu faca weyn Wadamada Islaamka, waxa uu ka hadlayaa dhibaatooyinka ka jira Dunida Islaamka iyo sida xal loogu heli karo in Wadamada Muslimiinta ay ugu bixi karaan Dhibaatooyinka ka jira dalalkooda.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com