Shirkii maalgashiga caalamiga ah ee Soomaaliya oo maalmahan ka socday Nairobi oo la soo xiray

Nairobi, July 13- 2013 – Magaalada Nairobi ee xaruunta dalka Kenya waxaa lagu soo afmeeray shirkii maalgashiga Soomaaliya oo mudo halkaasi ka socday, kaasi oo goob joog ka ahaayeen shirkado waa weyn oo isugu jira kuwa Soomaalida iyo kuwa ajinebi intaba.

Shirkaan looga hadlayey arimaha maalgashiga Soomaaliya ayaa waxaa aad diirada loogu saaray, ?sidii maalgashadayaasha Ajinebiga ah loogu tusaalayn lahaa nooca uu yahay ganacsiga Soomaaliya , iyo firsadaha ka banaan xiliga nabad gelyadu jirto, waxaa soo qaban qaabiyey shirka Somali Economic Forum.

Agaasimaha kooxda Somali Economic Forum Xasan Muuse Dudde oo warbaahinta la hadlay wuxuu sheegay in ay caalamka u soo bandhigeen kaalimo waa weyn oo ka banaan ganacsiga Soomaaliy. Iyo doorka dadka maalgashiga sameeya ee caalamka ka imanaya.

? Waxaan u bandhigay waxyaalaha dadkeenu u baahan yihiin in laga caawiyo sida, Beeraha, Kaluumaysiga iyo xoolaha nool oo ay Soomaaliya hodon ku tahay, Ganacsatada gudaha waan uga mahadcelinaynaa maalgashiga ay sameeyeen? ayuu yiri Mudane Dudde.

Shirkan oo labbadii maalmood ee tegey ka socday Nairobi ayaa waxaa aad loogu gorfeeyey Soomaaliya oo haatan ka soo kabanaysa bur burkii wakhtiga dheer ay ku jirtay, iyadoo goobta lagu kala qaatay talo bixin ku wajahan maalgashadayaasha Soomaaliya, iyo Soomaalidu sidii ay u soo dhoweyn lahaayeen Ajinebiga maalgashiga samaynaya.

Diiwaanka Wararka

Radio Daljir

Daljir.com

Leave a comment

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com