Shirkii Kismaayo oo maalintii labaad coda & Dastuurkii Jubaland oo loo qaybshey Ergada shirka

?

Kismaayo 02 April 2013 Shirkii maamul u samaynta Jubaland ?ayaa maalintii labaad ka socda magaalada Kismaayo ee xarunta Jubada Hoose waxaana maanta loo qaybshey Ergada shirkaas ? Dustuurkii Jubalnd kaas oo ay soo akhrin doonaan Ergada shirkaasi.
?
Ka qaybgalayaasha shirkaan oo 500 ?Ergey kor ?u dhaafaya ayaa loo qaybshay dastuurka Jubaland oo ay soo diyaarsheen guddiga farsamada oo ka kooban 25 xubnood kuwaasoo qaabilsan hawsha qabanqaabinta shirka.
Maalamaha soo socda ayaa lagu wadaa inay ka doodaan qodobada Dastuurka ?xubnaha ka qaybgalayaasha shirkaas ,waxana si weyn uga dhex muuqdey shirka hogaanka dhaqanka ee beelaha dega Jubooyinka iyo Gedo iyo marti sharaf kale oo uu ka mid yahay Cumar Cabdirashiid Cali oo horey Ra’isalwasaare uga soo noqdey DKMG ahayd Soomalia.
?
Inkastoo aragti mideysan aysan ka wada yeelan shirkan DF Somalia iyo maamulka KMG ee Kismayo hadana waxa uu ka socdaa shirku jaamacada magaalada Kismayo ,waxana la filayaa in dhowaan la meel mariyo dastuurka maamulka Jubaland ee la dhisayo.
?
Diiwaanka wararka?
Radio Daljir
(C X)

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com