Shirkii Golaha Wasiirada Somaaliya oo Arimo Badan looga hadlay (dhegayso)

Shirkii caadiga ahee ee Golaha Wasiirada ee Xukuumada Dawladda Federaalka maanta yeesheen oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Xasan Cali Khayre ) ayaa looga hadlay arrimaha amniga, Heshiiskii Ahlusuna iyo Galmudug, shirarkii Muqdisho ka dhacay iyo warbixino laga dhageystay Wasiirada qaarkood.

Wasiir ku xigeenka Amniga C/naasir iyo Wasiiru Dowlaha Amniga Xasan Macalin ayaa waxa ay ka hadleen arrimaha amniga, oo ay ka mid aheyd istiraatiijiyadda amniga gudaha 2017-ka ilaa 2022-ka, taasi oo saldhig u ah qorshaha horumarinta Qaranka, Golaha ayaa dood dheer kadib waxa ay u codeeyeen in la dhaqan geliyo Istiraatiijiyadaasi.

Wasiiru Dowlaha Amniga Xasan Macalin ayaa sheegay in Ciidamada ammaanka Howlgal ay ka fuliyeen degmada Afgooye ku soo qabteen Laba Shabaab ka tirsan, oo dil u geystay shacabka degaankaas, sidoo kalena Diinsoor ay iska soo dhiibeen xubno Shabaab ka tirsan iyo Gaari ay wateen.

Wasiirka warfaafinta Somaaliya ayaa kawarbixiyeey waxyaabaha kaso Baxay shirka Golaha wasiirada


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com