Shirkii Golaha Wasiirada Puntland oo loga hadlay Amniga.iyo Nabadeynta Beelaha Cagare (Akhriso_Sawiro)

Shirkii Golaha Wasiirada Puntland oo loga hadlay Amniga.iyo Nabadeynta Beelaha Cagare (Akhriso_Sawiro)

Shirkii Golaha Xukuumadda Dawladda Puntland oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa waxaa looga hadlay, Amniga Dalka, Shirkii Amniga Qaran, Nabadeynta Beelaha Deegaanka Cagaare, Xaaladda Bad-baadinta Doontii Caariday, Xeerka Nidaamka Cabashooyinka Puntland, Wax-kabadelka Magaca Wasaaradda Deegaanka   iyo Warbiximo.

Xaaladda Amniga Dalka:

Golaha xukuumadda Dawladda Puntland ayaa warbixin ka dhageystay wasaaradda amniga Puntland oo sheegtay in ciidamada Puntland ku jiraan feejignaan  joogto ah iyo sidii ay uga  hortagi lahaayeen  cadowga Puntland gaar ahaan Argagixisada caalamiga  ah iyo kuwa ka geysta fal-danbiyeed-yada magaalooyinka waaweyn ee dalka.

Shirkii Amniga Qaran:

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa uga warbixiyay golaha xukuumadda shirkii Amniga Qaranka iyo qodobadii ay isku raaceen gollaha Amniga Qaranku, wuxuuna u sheegay Madaxweynuhu  golaha in  xaalad adag laga marayo dhisme ciidan qaran oo la isku lahayn karo, taas awgeedna loo baahan yahay in waqti la geliyo dhisme ciidan qaran  oo dalka lagu aamni karo dhinac walba, wuxuuna Madaxweynuhu  usheegay gollaha  in Madashu dadaal ugu jirto  soo dhameystirka  iyo sameynta  ciidan qaran, sidoo kalena wuxuu Madaxweynuhu golaha uga warbixiyay heshiiskii  laga gaaray kalluumeysiga Soomaaliya

Nabadeynta Beelaha Cagaare:

Gollaha Xukuumadda ayaa bogaadiyay Isimada iyo Wax-garadka deegaanka Cagaare oo soo  af-meeray khilaafaadkii iyo isku dhacyadii deegaankaas, wuxuuna Madaxweynaha Dawladdu Puntland Dr.Cabdiweili Maxamed Cali Gaas  u caddeeyay shacabka Puntland in Dawladdu  ka qeyb qaadanayso fulinta iyo  dhameystirka heshiiskaas, horeyna ay Dawladdu uga qay-qaadatay wuxuuna sidoo kale Madaxweynuhu bogaadiyay  guud ahaan Isimada iyo Dawlad Deegaanka Ethiopia ee  ka qayb-qaatay howshaas .

 

Xaalada Bad-baadinta Doontii Soo Caariday:

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa ka dhageystay golaha xukuumadda  xaalada bad-baadinta doontii  soo caariday  oo  si ay weyn uga qayb-qaateen  shacabka, shirkadaha dalka iyo dawladu-ba, wuxuuna Madaxweynuhu bogaadiyay dhammaan intii ka qayb-qaadatay howshaas, wuxuuna Madaxweynuhu amar ku siiyay Wasaaradda Maaliyada inaan laga qaadi karin hantidaas wax canshuur ah.

Nidaamka Maareynta Cabashooyinka Puntland:

Hay’adda Maamul wanaaga Puntland ayaa maanta hor keentay gollaha xukuumadda xeerar kala ah xeerka Nidaamka Maareynta Cabashooyinka iyo xeerka Axdiga Adeega Dadweynaha, xeerarkaan ayaa xoojinaya wada-shaqeynta Dawladda iyo Dad-weynaha.

Wax-Badelka Magaca Wasaaradda Deegaanka:

Gollaha Xukuumadda ayaa  maanta ka badelay magacii hore ee wasaaradda Deegaanka, waxayna u badeleen  Wasaaradaa Deegaanka iyo Is-bedelka Cimilada, si ay wasaaraddu wax uga qabato wax-yeelada is-bedelka cimilada deegaamada Puntland.

War-bixin:

Gollaha Xukuumadda ayaa war-bixin ka dhageystay Wasaaradda Haweenka oo shaqooyinka ka soo fulisay gobolka Mudug, wuxuuna Madaxweynuhu u sheegay golaha in gabdhaha Puntland yihiin  halyeeyo meel-walba oo joogaan gaar ahaan kuwa ka shaqeeya Caafimaadka iyo Wax-barashada.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com