Shirkii Golaha Wasiirada ee Soomaaliya oo maanta ka furmaya Garoowe

Waxaa magaalada Garoowe ee caasumadda Puntland kadhacay xalay kulamo dhexmaray wafdiga raysal wasaare Khayre iyo madaxda Puntland, iyadoona lagu heshiiyay shirkii golaha wasiirada ee Soomaaliya inuu kadhaco Garoowe, kadib markii ay ka horyimaadeen xubno katirsan dowladda Puntland.

Khilaaf ayaa hareeyay Puntland iyo dowladda dhexe, kadib markii raysal wasaare Khayre uu baajiyay booqashadiisa deegaanka Garacad ee gobolka Mudug oo siwayn looga sugayay.

Wararka aan ka helayno Garoowe ayaa sidoo kalle sheegaya inuu jiro kulan loo balansanyahay inuu dhexmaro wasiirada dowladda dhexe iyo Puntland oo diiradda lagu saari doono mad madowga soo kala dhexgalay labada dhinac.

 


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com