Shirkii Arrimaha Dastuurka ee Muqdisho oo War Murtiyeed laga soo Saaray

Shirkii Arrimaha Dastuurka ee Muqdisho oo War Murtiyeed laga soo Saaray

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS),waxay qabatay kulan wadatashi oo ay kasoo qeyb galeen Wasiirada Darstuurka ee dowlad gobaleedyada Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmudug, HirShabelle iyo Gobolka Benaadir laguna qabtay magaalada Muqdishu 14-16kii Maajo 2017. Kulankan wuxuu qayb ka ahaa wadatashi ballaaran oo ay Wasaaradda la sameeynayso dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada iyo maamulada dalka ka jira si loo taaba galiyo loona dar-dargeliyo hanaanka Geedi-socodka Dib-u-Eeegista Dastuurka.

Sidoo kale waxaa kulankan furitaankiisa lagu martiqaaday kana soo qayb-galay xubno ka tirsan Baarlamaanka Federalka, Guddiga Madaxa Banaan ee Dib-u-Eegesta iyo Hergelinta Dastuurka, wakiilo kasocda Xafiiska Madaxweynaha, Xafiiska Ra’isul Wasaaraha, ururada bulshada raydka, haweenka, dadka baahida gaarka ah qaba, dhalinyarada, xisbiyada siyaasadeed ee abuurmaya iyo culumaa’udiinka.

Shirka waxaa si rasmi ah u furay Gudoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sh. Cusman Jawaari, waxaana kaloo qudbado ka jeediyay Wasiirka Arimaha Gudaha Cabdi Faarax Siciid (Juxa), Wasiirka Warfaafinta Eng. Yariisoow, Xildhibaan Cabdullahi Goodax Bare oo ah Gudoomiyaha Guddiga Kheyraadka ee Golaha Shacabka, Gudoomiye kuxigeenka Gobolka Benaadir Maluuka C/Qaadir, Xog-Hayaha Guud ee Gobolka Benaadir Zubeyda Muqtaar, iyo Gudoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ee Dib u Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka Dr. Maxamed Daahir Afrax.

Wasiirka Wasaaradda Mudane Cabdi Xoosh ayaa maanta soo xiray shirka isaga oo ku tilmaamay in uu yahay tallaabo taariikhi ah oo loo qaaday dhanka dhameeystirka Dastuurka iyo xoojinta dowladnimada Soomaaliya, waxa uuna Wasaaradaha M/Goboleedyada ee Arrimaha Dastuurka ka ballanqaaday in uu si dhaw u la shaqeyn doono.

War-murtiyeedka:

KULANKA WADATASHIGA WAXAA KA SOO BAXAY QODOBADA HOOS KU XUSAN:

1) In la helo Dastuur Qaran oo dhameystirin si looga baxo Dastuurka hadda jira ee ku meel gaarka ah.

2) In la abuuro Madal ay ku mideysan yihiin Wasaaradda Arimaha Dastuurka ee XFS iyo Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka ee Dowlad Goboleedyada si loo xoojiyo wada shaqaynta Dowladda Dhexe iyo Dowlad Goboleedyada.

3) Si loo xaqiijiyo dowrka Dowlad Goboleedyadda dalka ee ku aadan Dib-u-Eegista Dastuurka, waxaa la qaban doonaa kulamo wadatashi oo joogto ah (saddexdii biloodba mar, ama markii ay jirto xaalad deg deg ah).

4) Madashu waxay ka shaqaynaysaa danta guud, midnimada Ummadda Soomaaliyeed iyo in Dastuurka uu noqdo mid Soomaali leedahay ayna hogaamineyso.

5) In laga wada shaqeeyo in Dastuurka lagu soo gabogabeeyo muddo labo sanno gudahood.

6) Madashu waxay sahli doontaa daahfurnaan, xog-isweydaarsi, wadatashi, wadashaqeyn joogta ah iyo hogaan wanaagsan.

7) Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS, waxay ka shaqeyn doontaa in ay taageerto Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka ee Dowlad Goboleedyada baahiyooyinkooda kala duwan sida qalabeynta, tayeynta, tababarada iyo howlaha dhinaca Dastuurka.

8) In Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS ay ka tala-geliso Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka ee Dowlad Goboleedyada dalka arrimaha wacyi gelinta bulshada, waxbarshada madaniga ah iyo la tashiyada dadweynaha si loo hormariyo Geedi-socodka Dib-u-Eegista Dastuurka.

9) Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS waxay u xilsaarantahay diyaarinta iyo fududeynta habsami u gudashada howlaha Geedi socodka Dib-u-Eegista Dastuurka iyo xoojinta xiriirka hay’adaha ka qeybqaadanaya arrimaha Dastuurka.

10) Wasaaradda Arimaha Dastuurka ee XFS waxay balan qaadaysaa inay Wasaaradaha Dastuurka ee Dowlad Goboleedyada ay kala shaqeyso sidii ay uga heli lahaayeen deeq bixiyaasha caalamiga ah iyo Dawladda Federaalka miisaaniyad ay ku gutaan howlahooda wacyigalinta bulshada ee la xirrirta dib u eegista Dastuurka.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com