Shirkii Arimaha Soomaaliya ee Brussless oo furmay (sawiro)

Shirkii Arimaha Soomaaliya ee Brussless oo furmay (sawiro)

Waxaa ka furmay magaalada Brussless ee xarunta Midowga Yurub iyo dalka Biljamka shirkii arimaha Soomaaliya ee Beesha Caalamka.

Shirkan ayaa socon doona muddo labo maalin, waxaana si wadajir u shir guddoominaya Madaxweynaha Soomaaliya, Madaxa Arrimaha Dibadda Midowga Yurub iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Sweden.

Ajandaha looga hadlayo shirka inta uu socdo ayaa waxaa ka mid ah arrimaha siyaasadda, amniga, dhaqaalaha iyo qodobo kale oo ka hadlaya horumarinta iyo mustaqbalka Soomaaliya.

Shirkan ayaa daba socda shirarkii horay uga dhacay London iyo Muqdisho oo looga hadlayay mustaqbalka Soomaaliya iyo waxyaabaha horyaala dowladda Soomaaliya iyo sidii loo fulin lahaa balan-qaadyada shirarkii hore

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com