Site icon Radio Daljir

Shirkii Amniga Qaranka oo Maanta Baydhabo ka furmaya

Waxaa maanta oo Isniin ah magaalada Baydhabo ee caasimadda KMG ah maamulka Koonfur Galbeed ka furmaya shirka Golaha amniga Qaranka, kaasi oo maalmihii dambe ay socotay qaban qaabadiisa.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), Ra’iisul Wasaaraha dalka Xasan Cali Khayre, Madaxweynayaasha Puntland, Jubbaland, Galmudug, Hirshabeelle iyo kan Koonfur Galbeed oo shirka martigelinaya ayaa ka qeyb galaya kulankan, kadib markii shalay ay gaareen magaalada Baydhabo.

Sidoo kale waxaa shirka ka qeyb galaya xubnaha Beesha Caalamka, Wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, si ay aragtiyadooda ugu biiriyaan shirka

Waxaa si wayn loo adkeeyay ammaanka Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee Maamulka Koonfur Galbeed, kadib markii ciidan badan oo xerooyinkooda ku jiray banaanka loo soo saaray, si ay ammaanka u xaqiijiyaan.

Shirka Golaha Amniga Qaranka oo magaalada Baydhabo uu ku shir guddoomin doono Madaxweynaha Somaliya ayaa waxaa horyaalla arrimo muhiim ah oo la xiriira ammaanka dalka

Exit mobile version