Shirkii amniga ee maamul goboleedyada iyo dowladda oo baaqday markii saddaxaad

Shirkii amniga ee maamul goboleedyada iyo dowladda oo baaqday markii saddaxaad

Shirkii golaha amniga ee maamul goboleedyada iyo dowladda Soomalaiya ayaa markii saddaxaad baaqday maanta kadib markii madaxda maamul goboleedyada dalka ay ka soo jawaabi waajeen marti qaadkii madaxweynaha uu udiray 19 April ee bishan oo maanta ku beegan.

Warar ay helayso idaacada Daljir ayaa sheegaya in madaxweyne yaasha mamayl goboleedyada ay ka qaybgalka shirkan ku xireen sharuudo adag.

Shirkan ayaa waxaa ka cudur daartay in uu ka qaybgalo madaxweyne Siciid Cabdilaahi Deni oo safarku ugu maqan dalka Imaaraadka Carabta isagoona ku siiwajahan magaalada Nayroobi oo ay ku sugan yihiin madaxweyne yaasha Jubaland iyo Galmudug oo kula shiraya Nayroobi madaxda beesha Caalamka.

Dib udhaca shirkan ayaa sidookale ku soo beegmaya xili wali uu taagan yahay khilaafka u dhexeeya dowladda Soomalaiya iyo qaar kamid ah madaxda mamaul goboleedyada dalka.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com