Shirkii Golaha Xukuumadda Dawladda Puntland oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa looga hadlay arrimaha Amniga Puntland, siyaasadda ka hortaga cudurka dilaaga ah ee HIV/AIDS iyo ilaalinta gaadiidka Dawladda.

Amniga Puntland:

Golaha xukuumadda Dawladda Puntland oo warbixin ka dhageystay Wasaaradda Amniga ayaa sheegay in Amniga guud ee Puntland wacan yahay, iyadoo Goluhu caddeeyeen in dalku galay heegan dibu-xoreyn ah iyo soo celinta xuduuddaha dastuuriga ah ee Dawladda Puntland.

Golaha Xukuumada oo ku dheeraaday Amniga dalka ayaa faray shacabka Puntland inay gacan mugleh siiyaan ciidammada qalabka sida, kuwaas oo u taagan sugida Amniga iyo xasiloonida dalka.

Siyaasada Ka Hortaga Dilaaga HIV/AIDS:

Golaha Xukuumada Dowladda Puntland ayaa loo qeybshay siyaasada ka-hortaga dilaaga HIV/AIDS ka, siyaasadaas oo ay soo gudbisay Hay’adda Puntland AIDS Commission oo qeexaysa yareynta waxyaabaha sahla iyo xakameynta, cudurka dilaaga ah ee HIV/AIDS ayaa la horkeeni doonaa kulanka xiga ee golaha xukuummada si loo meel mariyo siyaasada ka hortaga dilaaga HIV/AIDS.

Ilaalinta Gaadiidka Dowlada (GD):

Golaha Xukuumada Dowladda Puntland ayaa dood dheer ka yeeshay ilaalinta gaadiidka Dowladda, waxayna golaha oo warbixin ka dhageystay Wasaaradda Howlaha Guud iyo Gaadiidka Dowladda Puntland ay xuseen in aysan marna dhaceyn in hanti Dowladdeed lagu xad-gudbo, cid-kastoo isku daydana talaabo sharciga ku-suntan laga qaadayo.

Ugu Danbeyn, Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa ku amray Wasaaradda Maaliyadda iyo Wasaaradda Howlaha Guud iyo Gaadiidka inay soo gudbiyaan warbixin tafatiran oo la xiriirta adeegsiga iyo daba-galka gaadiidka Dowladda

Leave a comment

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *