Shirki dib u heshisinta Galmudug oo qarka u saaran inuu fashilmo

Shirki dib u heshisinta Galmudug oo qarka u saaran inuu fashilmo

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug ayaa waxa ay sheegayaan in Shirka dib u heshiisiinta maamulka Galmudug uu qarka u saaran yahay in uu fashilmo.

Qaar ka mid ah Ergooyinkii tagay Magaalada Dhuusamareeb ayaa dib ugu laabtay meelihii ay ka yimaadeen ka dib markii ay sheegeen in aysan muuqan qabanqaabadda dadaallo lagu doonaayo in uu shirku furmo.

Beelaha dega Galmudug qaarkood oo Shir uga socdo Magaalada Hobyo ayaa dhankooda diideen ka qeyb galka Shirka ilaa lasoo Afjaro Shirka dib u heshiisiinta ah ee ka socda Magaalada Hobyo.

Waxaa sidoo kale khilaaf ka taagan yahay Cidda maamuleysaa Ammaanka xarunta dib u heshiisiinta lagu qabanaayo oo dhawaan ay ku dagaallamay Ciidamo boolis iyo nabad suggid ah.

Wasiiro ka tirsan Galmudug ayaa daljir u xaqiijiyay in Shirka uu qarka u saaran yahay in uu baaqdo markii Saddexaad,maadaama Guddiga aysan ku guuleysan soo dhameystiradda Beelaha ka qeyb galaya Shirka.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com