Shirkadda Range Resource oo sheegtay in ay heshiish cusub oo shidaal baadhis ah la gashay dawladda Puntland.

Bossaso, Mar 20 – Shirkadda Australian-ka ah ee Ranger Resource Limited ayaa war rasmi ah oo ay soo saartay maanta oo salaasa ah ku sheegtay in ay heshiish cusub oo shidaal baadhis ah la gashay dowladda Puntland ee dalka Somalia, waxana heshiishkaasi uu ku saabsaanyahay sahanka shidaalka la filayo in uu ku jiro dooxada Nugaal ee dhulka dowladda Puntland.

Dooxada dharoor ayaa ka kooban dhul gaadhaya 10,000 kilometer oo wareeg ah .

Shirkadda ayaa sheegtay in ay dowladda Puntland ka heshay 100 % danaha shidaalka ee dooxadda Nugaal ee Puntland, Somalia.

? maanta waxaan ku dhawaaqaynaa muhiimadda ah in aanu muujinay jidka horumarka soo socda ee Shirkadda Range,” sidaasi waxaa sheegay agaasimaha maamulka ee shirkadda Ranger resource Peter Landau, Waxana uu intaasi raaciyey,

” horumarka laga sameeyey Ceelkii kowaad ee Puntland waxa uu kicinayaa danaha dhamaan gobolka Puntland , Ranger resource-na waxa ay aaminsantahay in ay xaqiijisay degaan-shidaal rajo weyn leh ,iyadoo taasina ka dameyso shaqooyinkii hore ee ay qabatay shirkadda Ranger resource sanadihii 2009-kii iyo 2010-kii oo ay ku jireen in dib loo eego xogtii hore ee degaankaasi ?

Sida uu heshiishku dhigayo shirkadda Ranger Resource ayaa bixinaysa lacag gaadhaysa $5 million oo dollar oo ah lacag lagu dhisayo Airport ama madaar ku yaalla gudaha Puntland.

Isla xilligan Shirkadda Horn Petroleum Corporation (HRN.V) ayaa sheegtay ah in qodista ceelka Shabeel-1 ee dooxada Dharoor ee Puntland uu marayo meel aad u wanaagsan , waxaana shirkaddu sheegtay in immika la qoday dhul dherer ahaan gaadhaya 2,384 metres oo u dhigma ( laba Kiilo mitir iyo saddex boqol iyo sideetan iyo afar mitir).

Shirkadda Horn Petroleum Corporation oo laga leeyahay dalka Canada ayaa dano iyo saamiyo ku leh dooxooyinka Dharoor iyo Nugaal ee Puntland Somalia iyo weliba dalka Yemen.

Ceelka Shabeel-1 ee laga Qodayo Puntland, Somalia ayaa dhererkiisa hoose gaadhayaa 3,800 meter ama ( 3 Kilometer iyo 800 Meter), waxana immika qodisti ka hadhsan 1,416 meters oo u dhiganta ( 1 Km iyo afar boqol iyo lix iyo toban miter).

Shirkadda wadda hawsha qodista shidaalka ee Puntland ( Somalia ) ee Horn Petroleum ayaa sheegtay hawshu ay si habsami ah u socoto , islamarkaana rajadu ay aad u sarayso.

Dhinaca kale war ka soo baxay shirkadda Africa Oil oo fadhigeedu yahay magaalada VANCOUVER, ee gobolka BRITISH COLUMBIA ee dalka Canada ayaa lagaga warbixiyey halka uu marayo qodista Ceelka shabeel-1 ee Puntland , waxana ay tilmaantay in illaa iyo imika la qoday dhul gaadhaya 2,384 metres ( laba Kiilo mitir iyo saddex boqol iyo sideetan iyo afar mitir) .

Shirkadda Africa Oil ayaa haatan ka hawlgalaysa dalalka Kenya, Ethiopia, Mali iyo Puntland (Somalia),waxana ay leedahay 51% hantida shirkadda Horn Petroleum Corporation.

Diiwaanka Wararka,
Idaacada Daljir.

Daljir.com

Leave a comment

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *