Shirkadda Isxilqaan oo mar kale ku guulaysatay dhismaha jidka Jalam-Xarfo & dawladda Jarmalka oo iska foggaysay ku luglahaansho mashruuca

Shirkadda Isxilqaan oo mar kale ku guulaysatay dhismaha jidka Jalam-Xarfo & dawladda Jarmalka oo iska foggaysay ku luglahaansho mashruuca

Madaxweyne Kuxigeenka Puntland Axmed Cilmi Cusmaan ‘Axmed Karaash’ ayaa shalay oo ahayd 15kii Siteenbar waxa uu dhagaxdhigay mashruuca dib-u-dhiska waddada isku xirta magaalada Jalam iyo degmada Xarfo oo qayb ka ah dhismaha jidka Garoowe-Gaalkacyo, waana markii labaad ee mashruucaan qandaraaskiisa la soo dhajiyey ayna ku guulaysato shirkadda Isxilqaan. Waa wajigii koowaad ee dib-u-dhiska jidka Garoowe-Gaalkacyo, waana 65 KMoo shirkaddu sheegtay in dhammaystirkiisu qaadan doono 8 bilood.

Shirkadda Isxilqaan oo hore xilligii Madaxweyne Gaas mashruuca loo guddoonsiiyey ayaa dowladda Jarmalka oo qayb weyn ka ahayd maalgalinta mashruuca tan iyo biloowgiisii sannadkii 2016 waxa ay shirkadda iyo dowladda Puntland ku eedaysay daahfurnaan-la’aan iyo xisaab-xumo sababtay in mashruucu fashilmo, dawladda Jarmalkuna la noqoto lacagtii mashruuca. War saxaafadeed ku qornaa afka Ingiriiska soona baxay 8 Siteenbar 2018, ayaa Jarmalku ku sheegay “jidka Garoowe-Gaalkacyo waa fashilmay waana la noqonay lacagtii mashruuca.”

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo hore u ballanqaaday dib-u-soocelinta dib-u-dhiska jidka Garoowe-Gaalkacyo ayaa Madaxweynaha oo kaashanaya EU iyo UNPOS waxa uu ku guulaystay in mar kale mashruuca maalgelin loo helo, waxaana mar kale qandaraaska mashruuca ku guulaystay shirkadda Isxilqaan oo hore ugu fashilantay fulinta mashruuca.

Radio Daljir oo la xiriirtay safaaradda Jarmalka ee dalka Soomaaliya oo hore ugu luglahayd fulinta mashruuca ayaa Daljir u sheegtay sidan: “Heshiiska hay’adda GIZ iyo Hay’adda Waddooyinka Puntland ee dhismaha Jidka Garoowe-Gaalkacyo waxaa la joojiyey sannadkii 2018, sababtuna waxa ay ahayd ayadoo fuliyayaasha mashruucu aysan raacin mabaa’diida aasaasiga ah ee isla xisaabtan iyo daahfurnaan. Dawladda Federaalka Jarmalku waxa ay muhiimad weyn siisaa hubinta in si sax ah loo adeegsado maaliyadda Jarmalka ee loo isticmaalo mashaariicda horumarineed ee aan ka fulino waddamada aan jaalka nahay, sidaas darteedna waxaanu si fiican u baarnaa mashaariicda lala fuliyo shirkadaha maxalliga ah ee waddamada jaalkeena ah. Safaaradda Jarmalku wax falcelis ah kama bixinayso cusboonaysiinta heshiiska shirkadda Isxilqaan ee dhismaha Jidka Jalam-Xarfo maadaama dawladda Jarmalku taageeradeedii jidkaas ay la noqotay sannadkii 2018, sababta aan sheegnay darteed, haddana waxaan caddaynaynaa in aynaan wax lug ah ku lahayn mashruucaas.”

Radio Daljir oo la xiriiray siyaasiyiinta iyo Ururada siyaasadda ee Puntland iyo sida ay u arkaan in shirkadda Isxilqaan ay mar kale hanato mashruuca ayaan waxaanu falcelis ka helnay siyaasi Cali Xaaji Warsame oo ku tilmaamay dib-u-soocelinta shirkadda Isxilqaan in “wax dhaama la waayey, ayna muhiim tahay in jidka Garoowe-Gaalkacyo si degdeg ah wax looga qabto.” Cali Xaaji ayaa intaas ku daray in “haddii la rabo in mashruucu najaxo waa in si joogto ah dabaggal loogu hayaa habfulinta mashruuca ee shirkadda Isxilqaan.”

On ISXILQAAN Company once again winning the rebuilding of Jalam-Xarfo corridor a source at the German Embassy shared this with Radio Daljir: “The contract between GIZ and Puntland Highway Authority for the construction of Garoowe-Galkayo highway corridor was terminated in 2018 on behalf of GIZ due to the fact that fundamental principles of transparency and accountability were no longer sufficiently in place. The federal German government puts great importance into ensuring the appropriate use of German funding for development projects in our partner countries and therefore examines projects implemented with partner organization thoroughly. The German Embassy cannot comment on the renewed contract with Isxilqaan for the construction of Jalam-Harfo since Germany withdrew all support for the project in 2018 due to the above mentioned reasons and is therefore not involved in the project.”

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com