Shirkadda ganacsiga ee Cabdiwahaab Motors oo heshiis xayaysiis ah la gashay kooxda kubadda cagta ee Comsed(Sawirro)

Gaalkacyo, April 26- Shirkadda ka ganacsiga gawaarida ee fadhigeedu yahay magaalada Abuu dubai ee dalka Isu-tagga imaaraadka carabka ee Cabdiwahaab Motors iyo kooxda kubadda cagta ee Comsed ee Gaalkacyo ayaa kala saxiixday heshiis xayaysiis ah oo kooxdu ay ku ciyaarayso magaca shirkadda Cabdiwahaab Motors muddo 2 sanaa.

Heshiiska shirkadda Cabdiwahaab Motors iyo kooxda Comsed FC. oo ka dhacay xafiiska DR. C/qaadir Maxamuud Jaamac (Dhagacadde) ee cisbitaalka GMC ayaa labada dhinac waxaa u kala saxiixay ganacsade Cabdiwahaab Yuusuf Abshir iyo mulkiilaha kooxda Dr. Dhagacadde, waxaana sidoo kale munaasabadda oo qalab Sports shirkadda heshiiska la gashay kooxda ay guddoonsiiyay ka qayb galay gudoomiyaha kooxda C/qani Khaliif Carabeey.

Dr. C/qaadir Maxamuud Jaamac (Dhagacadde) oo heshiiska kooxdiisa kubadda cagta iyo C/wahaab Motors ka hadlay ayaa sheegay inuu aad u soo dhaweynayo mar kastana isagu uu garab taagan yahay inuu ka qayb qaato hormarinta dhalinyarada iyo dhalinyarada xirfaddoodu ay tahay kubadda cagta.

Dr. Dhagacadde, ayaa ganacsatada ugu baaqay inay kooxaha kubadda cagta ee gobolka ay ku dhiiri galiyaan hormarka xirfaddooda ayna soo baxaan shirkado ganacsi oo kaalin muuqata kaga jira ciyaaraha gudaha.

Cabdiwahaan Yuusuf Abshir oo isaguna wakiil ka ahaa shirkadda C/wahaab Motors ayaa dhankiisa sheegay in barnaamijkani ay oga jeedaan sidii ay oga qayb qaadan lahaayeen dardar galinta iyo hormarinta kooxaha kubadda cagta ee gobolka Mudug, isla markaana Comsed ay u arkeen koox u qalanta inuu dhex maro wada shaqayn iyo heshiisyo dhanka xayaysiiskaa.

Gudoomiyaha kooxda Comsed C/qani Khaliif Carabeey ayaa madasha saxiixa heshiiska ka akhriyay waqtiga uu qaadanayo iyo sida kooxda iyo shirkadda mar walba ay u xiriirayaan.

Shirkadda C/wahaab Motors ayaa noqonaysa shirkaddii ugu horaysay ee heshiis dhanka xayaysiismahaa la gasha kooxaha kubadda cagta ee Puntland, inkastoo ay jiraan ganacsato iyo shirkado gudahaa oo heshiisyo noocaasa uu dhex maro.

Diiwaanka Wararka daljir
Gaalkacyo
(S)

Daawo Sawirada

\"\"

\"\"

\"\"

\"\"

\"\"

\"\"

\"\"

\"\"

\"\"

\"\"

\"\"

\"\"
?

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com