Shirkadda Diyaaradaha Ethiopian Airlines oo Puntland dulimaadyo ka bilaabaysa (Daawo)

Shirkadda Diyaaradaha  Ethiopian Airlines oo Puntland dulimaadyo ka bilaabaysa (Daawo)

Shirkada diyaaradaha ee Ethiopian Airlines ayaa shaacisay duulimaadyo cusub oo ay ka samaynayso Garoowe iyo Boosaaso kuwaasoo bilaaban doona 15 ka bisha July ee sanadkan 2019.

Jadwalka duulimaadka lambarkiisu yahay ET 0368 ayaa ku bilaabanaya Boosaaso, waxaana ay diyaaradu Adis-ababa kasoo duulaysaa 11:30AM iyadoo Boosaaso fariisan doonta 1:35PM.

Isla diyaarada oo rakaab ku dejinaysa Boosaaso kuwo kalana kasoo qaadaysa ayaa Garoonka Garoowe caga dhiganaysa 3:20PM.

Duulimaadyadan ayaa lagu bilaabayaa maalmaha Sabti, Arbaca iyo Isniin, taasoo ka dhigan in 7’aad kii 3 goor ay duulimaad ka samaynayso shirkadu labada Garoon ee caalamiga ah ee Garowe iyo Boosaaso.

Madaxa fulinta ee shirkada diyaaradaha Ethiopian Airlines Mudane Tewolde GebereMariam, oo ka hadlay duulimaadyada cusub ee ay ka bilaabayaan Soomaaliya ayaa sheegay in tani muhiim u tahay horumarinta duulimaadyada Ethiopian.

“Farxad weyn bay ii tahay inaan bilowno duulimaad cusub oo Garoowe Soomaalia ah iyadoo hore aan u bilownay hawlgalinta duulimaadkeena Muqdisho Soomaaliya.” ayuu yiri.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay in arintani xoojinayso isku xirka dadka, dhaqaalaha iyo xiriirka siyaasiga ah ee labada dal.

“adeegyadan cusub waxay aad u xoojinayaan isku xirka dadka, dhaqaalah iyo xiriirka siyaasadeed ee labada dal ee deriska iyo walaalaha ah, waxay aad muhiim ugu tahay qurbajoogta Soomaaliyeed ee Yurub, Maraykanka, Aasiya, Bariga dhexe iyo Afrikaba inay si fudud ugu safraan dhulkoodii iyagoo saacado yar ku hakanaya Adisbaba.” ayuu yiri madaxa fulinta ee shirkadu.

Shirkada diyaaradaha ee Ethiopian Airlines ayaa ah shirkada ugu weyn ee dhanka duulimaadyada ah oo isku xirta Afrika iyo aduunka intiisa kale, waxay ka degtaa in ka badan 120 wadanhttps:

Hoos ka daawo Warbixin.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com