Shirkadaha xawilaadda lacagaha ee Jowhar oo maalintii labaad xiran

Jowhar, Jan, 14 – Shirkadaha xawilaada lacagaha ee ka howlgala magaalada Jowhar ayaa xiran maalintii labaad, taasi oo saamayn ku yeelatay dadka lacagaha looga soo diro dalka iyo gudaha ee kunool magaalada Jowhar.

Afhayeenka maamulka gobolka Shabeelada Dhexe Daa’uud Xaaji Ciro oo la hadlay laanta afka Soomaaliga ee idaacadda VOA-da ayaa sheegay inaanay jirin go’aan maamulku ku gaaray in la xiro shirkadaha xawilaadaha, balse ay jirtay codsiyo horay ay ugu jeediyeen oo kusaabsan inay ka qaybqaataan shirkadaha horumarinta amaanka iyo bilicda magaalada Jowhar.

Waxaa afhayeenka uu ku dooday inaanay jirin wax daqli ah oo dowladda uga soo xaroodo magaalada Jowhar iyo deegaanada kale ee gobolka Shabeelada Dhexe ka koobanyahay, sidaasi awgeedna ay shirkadaha ku wargaliyeen inay ka qaybqaataan dardargalinta amaanka iyo bilicda magaalada Jowhar.

“Waxaa ay gaarayaan shirkadaha xiran 11- iyaga ayaana isxiray”ayuu yiri afhayeenka gobolka Shabeelada Dhexe Daa’uud Xaaji.

Shirkadaha xawilaadda lacagaha ?ee magaalada Jowhar ayaan wali ka hadlin go’aanka ay irdaha ugu laabeen xarumahooda.

Diiwaanka Wararka

Daljir Bossaso.

?

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com