Shirkadaha xawilaadaha lacagaha looga soo diro Soomaaliya oo dadaal ugu jirta dib u furida akoonadii xanbibaadaha lagu soo roday

Manisota,Jan,1 -Muddo labo maalmood ah waxaa si toos ah u joogsaday hawlihii shaqo ee xawaaladaha Soomaalida ee ku yaallay gobolka Minnesota ee waddanka Marayanka kaddib markii uu dhammaaday wakhtigii kama dambaysta ahaa bangiga Franklin u qabtay xiridda Akoonnadaasi.

Maareeyaha guud ee shirkadda xawaaladda Amal Cabdidaahir Cali Xirsi oo maanta u warrramay Radio Daljir ayaa sheegay xawaalado ahaan in ay ku hawllan yihiin qorshe ballaaran oo ay ugu suxul-duubayaan sidii akoonnadaasi xayiraadda looga qaadi lahaa.

Mareeyuhu, waxaa uu intaasi ku daray in ay ku hanweyn yihiin si degdeg ah in loo fasaxo akoonnadii xawaaladaha Soomaalidu ku lahaayeen bangiga Franklin, taasi oo ay si wadajir ah ugu hawllan yihiin dawladda federaalka, ururka xawaalad layda maraykanka iyo jaaliyaha Soomaalida ee gobolkaasi ku dhaqan.

Mudane Cabdidaahir Cali Xirsi maareeyaha guud ee shirkadda Amal oo haatan ku sugan magaalada Dubia waxaa waraystay Cabdifitaax Cuamr Geeddi, oo waydiiyey halka ay u marayaan dadaalladii ay ku doonayeen dib u furidda akoonnadooda.

Bashiir Cabdi Axmed
Radio Daljir,Boosaaso.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com