Shirka Wadatashiga ee Hogaamiyeyaasha dalka oo ka furmaya Garoowe

Waxaa kasocda magaalada Garoowe ee caasumadda Puntland qabanqaabada shirkii wadatashiga ee hogaamiyeyaasha dowladda faderaalka Soomaaliya iyo dowladaha xubnaha ka ah.

Shirkan ayaa waxaa diiradda lagu saarayaa khilaafka siyaasadeed ee dalka kajira gaar ahaana dhinacyada doorashada dalka, dastuurka iyo deeqaha caalamka uu siiyo Soomaaliya.

Madaxda ayaa horay qaybtood ula soo shiray deeq bixiyeyaasha caalamka, kuwaasi oo ku waregliyay madaxda dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada inay shir isugu yimaadaan lagu dhamaynayo khilaafka siyaasadeed ee taagan.

Lama oga xiliga uu soo dhammaan karro iyo heshiis in lagu gaari doono qodobada laga wada hadlayo, balse dadka arrimaha siyaasadda falanqeeya ayaa qaba in siyaasiyiinta Soomaaliya aysan fulin heshiisyada ay galaan, taasi oo mar walba soo celcelisa khilaafaadka siyaasadeed.

 


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com