Shirka Ururka Iskaashiga Islaamka oo Muqdisho ka furmay

Shirka Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa Maanta ka furmay magaalada Muqdisho , waxaana ka qayb galaya shirkan Madax ka socotay ilaa iyo 15 dal.

Shirarkii 44aad iyo 45aad ee Wasiirada arrimaha Dibada Ururka Iskaashiga Islaamka ee lagu kala qabtay magaalooyinka Abidjan ee dalka Ivory Coast iyo magaalada Dhaka ee dalka Bangladesh ayaa horay loogu go’aamiyay in shirkaasi lagu qabto Caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho.

Kaaliyaha xoghayaha guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka,Danjire Hishaam Yuusuf oo shalay soo gaaray Muqdisho ayaa sheegay in muhiimada shirkaan uu yahay taageerida Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka soo baxeysa dhibaatooyin horay u soo maran,isla markaana ay tusayaan inay garab taagan yihiin oo ay wax la qabsanayaan.

Wadooyinka dhexmara magaalada Muqdisho qaarkod ayaa xiran maanta .


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com