Shirka Muqdisho ee madaxda siyaasadda iyo dooddooda maanta.

Shirka Muqdisho ee madaxda siyaasadda iyo dooddooda maanta.

Maanta waxaa uu galay maalintiisii labaad shirka Muqdisho ee madaxda siyaasadeed ee Soomaalida, kaasoo ay ku kulansanyihiin madaxweynaha dawladda federaalka Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, madaxweynayaasha dawladaha xubnaha ka ah dawladda federaalka ee Puntland, Jubland, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Inkastoo maanta ay ahayd maalintii labaad oo shirku socdo, haddana waxay ahayd maalinkii koowaad oo si rasmi ah loo guda galay ajandayaasha shirka horyaalla iyo qodbada ka doodistooda shirka loo qabtay, uuna ugu weynyahay midka doorashada dawladda federaalka oo iskugu jirta baarlamaannada labada aqalka iyo midda madaxweynaha.

Ila wareeddo kala duwan oo u dhuundalool shirka Muqdisho, ayaa noo sheegay shirku maanta in uu ahaa mid bilawgiisii ku socday si deggan, balse dooddiisu ay kululaatay markii si dhab ah loo guda galay arrimaha doorashada siiba nooca doorashada, meelaha ay ka dhacayso, guddiyada hagaya doorashada ee heer dawlad dhexe iyo midka dawladaha xubnaha ka ah, doorka dawladda dhexe ee federaalka wuxuu noqonayo ee hagidda iyo hannaanka xildhibaannadu ku imin karaan, nidaamka xisbiyada sida laga yeelayo, iyo arrimo kale oo ay ka mid tahay mudanayaasha  Baarlamaan ee (Dir waqooyi) siday ku imaanayaan.

Puntland oo badanka lahayd codkii ugu dheeraa ee tabashada ka qabay hannaanka doorashada iyo hayaanka siyaasadeed dawladda dhexe ee xilligaan kala guurka sida uu u socdo, ayaa miiska soo saartay maanta aragtideeda ku aaddan hirgalka doorashada, hilinka ay tahay in loo maro, saluugmadeeda nuxurkii ka soo baxay shirkii Dhuusamareeb3 iyo arrimo kale oo ah kuwa ku xeeraan dhigaalka doorashada iyo dhabbooyinka mariddooda lagu gaari karo hufnaan doorasho qaneeco reebta.

Puntland waxay soo jeedisay Isniinta maanta ah siday tilmaamayaan wararka hoose ee shirkaasi madaxda ee Muqdisho, in aan sidooda lagu qaadan karin qodobadii ka soo baxay shirkii Dhuusamareeb3 oo ay ka maqnaayeen maamullada Puntland iyo Jubaland, taas baddelkeedana la qaadan karo, dooddeeduna ay tahay in doorashadu wakhtigeedii ku qabsoonto, qodobkaasi oo sida muuqatay dhammaan laga midaysnaa, lana ayiday, halka isla qodobkaasi markii uu Dhuusamareeb yaallayna sidaasi looga midaysnaa.

Waxaa kale oo Puntland soo jeedisay in doorashadu ka qabsoonto caasumadaha dawladaha xubnaha ka ah dawladda dhexe ee federaalka, halka shirkii Dhuusamareeb3 uu qabay tirada goobaha doorashadu in ay ka badato intaasi, waxaana isla qodobkaanna ayiday badanka dawlad goboleeddada, marka laga reebo hal maamul aan muujin mawqifkiisa arrinkaasi.

Guddiyada doorashada maamulaya ayay Puntland soo jeedisay in la kala diro guddiga heer qaran ee doorashada ee hadda dhisan, lana unko guddi cusub oo loo dhanyahay, iyadoo sidoo kalena soo jeedinteeda ku dartay dhismaha guddiyada heer dawlad goboleed in ay noqdaan kuwo ay u madaxbannaanyihiin dawladaha xubnaha ka ah dawladda federaalka, marka ay timaaddo dhismahooda, aragtidaasi oo maamullada qaarkood ay taageereen.

Arrinka xisbiyada iyo ka qayb noqoshadooda doorashada ayay Puntland ka istaagtay dhinac kale, iyadoo qabta in aysan jirin xisbiyo loo dhanyahay, kuna dhisan hannaankii xisbi lahaa, sidaas darteedba aysan doorashadaani noqon mid xisbiyo lagu tartamo, wuxuuna ahaa maamulka kaliya ee aragtidaasi la qabay Puntland midka Jubaland, waxaana qodobkaani uu ka mid ahaa qodobadii ka soo baxay shirkii Dhuusamareeb 3  ee ay ka baaqsadeen Puntland iyo Jubaland, kaasoo shirkaasi la iskula gartay in doorashada lagu galo nidaam axsaabeed.

Qodobada kala ee maanta laga dooday, kana mid ahaa soojeedintii Puntland ee arrimaha lagu kala maanduwan yahay ee doorashada la xiriira waxaa ka mid ahaa hannaanka ay ku imaanayaan xildhibaannada ka soo jeeda (Dir waqooyi), kuwaasi oo Puntland ay dooddeeda raacisay in loo madaxbannaaneeyo odayaashooda iyo Issimadooda, dawladduna aysan ku yeelan wax saamayn ah ama faragelin siyaasadeed ah.

Doodda maanta ee madaxda siyaasadda ee ku shirsan magaalada Muqdisho badankeedu arrimahaasi ayay dul-hoganaysay, iyadoo la iskugu gabbal-dhacsaday falanqaynta qodobadaasi shirka ay  hordhigtay Puntland oo uu fadhiga maanta ku matalayey madaxweynaheedu Siciid Cabdillaahi Deni.

Marka la fiiriyo culayska qodobada horyaalla shirka, daba-dheeraanta doodaha ka dhashay, waxaa la saadaalinayaa shirka wakhtigiisu in uu ka bato intii horay loo filayey, taasoo ahayd illaa Talaadada in uu soo idlaado.

Diiwaanka Wararka

Warbaahinta Daljir.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com