Shirka Midowga Afrika ee Addisbaba oo lasoo gabagabaynayo

Shirwaynaha 32aad ee madaxwaynayaasha ururka Midowga Afrika ee magaalada Addisababa ayaa maanta lasoo gabagabaynayaa.

Shirkan ayaa looga hadlay Arrimaha Ammaanka, Qaxootiga, Suuqa Xorta ee Afrika, Maalgashiga iyo Iskaashiga Guud ee dalalka  Afrika.

Shirkan ayaa lagu doortay guddoomiyaha ururka oo loo doortay madaxwaynaha dalka Masar Cabdi Fitaax Al-Siisi.

Isagoo ka hadlayay kulanka ayaa waxaa uu sheegay in argagaxisadu yihiin kansar, kuwaasi oo uu sheegay inay doonayaan in wax walba la burburiyo.

Dalalka Soomaaliya, South Afrika iyo Congo ayaa lagu ammaanay shirka inay hormar wayn ku tilaabsanayaan, waxaana sidoo kalle la isla gartay sanadka 2020ka inay noqoto Afrika mid ka caagan rasaasta oo aan la ridin.

 


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com