Shirka Dunida Muslimka oo maanta ka furmaya Kuala Lumpur

Shirka Dunida Muslimka oo maanta ka furmaya Kuala Lumpur

Shirka Waddamada Muslimiinta ayaa maanta oo khamiis ah ka furmaya magaalada Kuala Lumpur ee caasimadda Dalka Malaysia.

Shirkan oo muhiim ah ayaa waxaa ka qeybgelaya inta badan hoggaamiyayaasha Waddamada Caalamka Islaamka, waxaase jira dalal muhiim ah oo iyana ka maqan.

Madaxda ka qayb galaysa shirkan ee lagu casuumay waxaa kamid ah, Iraan, Turkiga, Amiirka Qadar iyo hoggaamiyayaal kale,waxaase ka maqan Hoggaamiyayaasha Dalka Sucuudiga,  iyo Indonesia.

Ra’isalwasaaraha Dalka Pakistan Cimran Khan oo markii hore aqbalay casuumadda Ra’isalwasaaraha Malaysia ayaa ka cudur daartay ka qeybgalka shirkaas kaddib markii todobaadkan uu tagay dalka Sucuudiga, beddelkiisana waxaa ka qeybgelaya wasiirkiisa arrimaha dibadda.

Dowladda Malaysia ayaa sheegtay in shirkan uusan ahayn mid liddi ku ah Ururka Iskaashiga Islaamka ee OIC.

250 Ergo ayaa ka qeybgelaya shirkan kuwaas oo ka kala socda 52 dal oo Muslimiin ah,waxaana dadka kale ee ka qeybgelaya ka mid ah Khubarrada, Aqoonyahanka iyo shaqsiyaad kale oo lagu casuumay.

Ajendaha ugu weyn ee shirka uu qabanayo Mahatiir Maxamed ayaa waxaa uu yahay ilaa shan qodob waxaana ka mid ah;

Dhibaatada ay wajahayaan Muslimiinta Dalka Burma ee Rohingya .

Dhibaatada ay wajahayaan Muslimiinta dalka China ee Uighurs .

Dagaalka ka aloosan dalka Yemen.

Sinaan la’aanta Jinsiga.

iyo Dhaqaalaha kala sarreeya ee waddamada Islaamka ah.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com