Shirka Dib u heshisinta iyo Wadatashiga Jubbaland oo Kismaayo ka furmay

Shirka Dib u heshisinta iyo Wadatashiga Jubbaland oo Kismaayo ka furmay

Shirkan oo socon doona muddo saddex maalmood ah wuxuu u jeedkiisu yahay ka tashiga aayaha iy masiirka siyaasadeed ee Jubbaland.

Waxaa shirkan ka qayb galaya madaxwaynaha dawlad goboleedka Jubbaland mudane Axmad Maxamad Islaam, labada madaxwayne ku xigeen ee Jubbaland, madaxda golaha isbadal doonka Jubbaland, wasiirro ka tirsan golaha wasiirrada Jubbaland, xildhibaanno ka tirsan golaha shacabka Jubbaland, odayyaasha dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah ee Jubbaland.

Waxaa furitaanka shirkan la filayaa in ay khudbado ka jeediyaan madaxda dawlad goboleedka Jubbaland iyo madaxda isbadal doonka ee madaxwaynaha Jubbaland mudane Axmad Maxamad Islaam heshiiska kula saxiixday magaalada Nairobi ee dalka Kenya 16kii bosha April ee sanadkan.

Munaasabadda furitaanka shirk iyo khudbadaha madaxda ka soo qayb gashal waxaad si toos ah ugala socon kartsan bogaga aynu ku leenahay baraha bulshada.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com