Shirka Abey Axmed iyo Soomaali Galbeed oo qodobo laga soo saaray (sawiro)

Raysal Wasaaraha Itoobiya Abey Axmed ayaa maanta kula kulmay xafiiskiisa 700 ergo oo isugu jirta waxgaradka iyo siyaasiyiinta gobolka Soomaali Galbeed ee Itoobiya ay maamusho, waxaana diiradda lagu saaray xaaladda gobolka oo isbadalo ay ka dhaceen.

Kulanka ayaa waxaa sidoo kalle ka qaybgalay madaxwaynaha cusub ee Soomaali Galbeed Mustafe Maxamed Cumar.

Kulanka ayaa laga soo saaray in lasoo celiyo hanaankii calaadda ee gobolka iyo maxkamad lasoo taago saraakiishii maamulkii hore ee gobolka oo lagu soo eedeeyey tacadiyo inay ka galeen gobolka.

Soomaalida ayaa sidoo kale soo jeedisay in loo madaxbanaaneeyo arrimahooda gobolka oo aan lagu faragalin.

Kulankan ayaa imaanaya iyadoo muddo bilooyin gudaheed sadex madaxwayne uu yeeshay gobolka, iyadoona dhanka kalle isbadalo waawayn gobolka laga dareemayo kadib rabshadihii dhacay bishii hore.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com