Shirar Xal Loogu Raadinayo Xurgufihii Colaadeed ee Cagaarre oo Nairobi ka dhacay Bayaanna laga soo saaray (dhegayso+Daawo)

Shirar Xal Loogu Raadinayo Xurgufihii Colaadeed ee Cagaarre oo Nairobi ka dhacay Bayaanna laga soo saaray (dhegayso+Daawo)

Shirar wadatashi nabadeed oo la xiriiray xal-u-helka xurgufihii colaadeed ee ka soo dhax cusboonayd oodwadaagta xoolaha dhaqatada ah ee Hawdka Cagaarre ayaa maalmihii ugu dambeeyey ka socday magaalada Nairobi ee dalka Kenya, shirarkaasi oo ay ka qaybgaleen siyaasiyiin, culimo awdiin iyo wax-ku-ool bulshada oo ka soo kala jeeda ehelada urtumaha dhibeed ay dhexmareen.

Shirarkaasi lagu qabtay Nairobi oo dhinacyada Cagaarre casabada u ahi ka qaybgaleen, waxaa looga wada-hadlay arrimo badan oo dulucdooda ugu weyni ay ahayd sidii xal loogu heli lahaa xiisadahaasi dhibeed, loogana hortagi lahaa dhiig daadin dambe.

Shalay oo Isniin ahayd ayay siyaasiyiinta, culimo awdiinka iyo wax-ku-oolka kale ee bulsho ee shirkaasi Nairobika qaybgalayey ay soo gabagabeeyeen kulamadoodii wadatashi ee ay xalka dhiig joojineed ugu raadinayeen xiisad colaadeedka soo laalabatay ee deegaannada hawdka ee Cagaare oo ah dhul u badan xoolo-daaqeen, waxayna soosaareen bayaan nabadeed oo dhawr qodob ka kooban, quseeyana qaddiyaddaasi colaadda.

Markii kulamadaasi ay soo idlaadeen, bayaankana laga soo saaray, waxaa si wadajir ah warbaahinta ugula hadlay magaalada Nairobi xubno ka mid ah ka qaybgalayaashii shirarkaasi, una sharraxay warfidiyeennadda waxyaabihii ay ku meeleeyeen wada-hadalladaasi nabad-raadineed.

Hoos dhegayso warbixin ka hadlaysa shirarkaasi Nairobi iyo Bayaankaba.

Hoos kadaawo Bayaanka

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com