Shir-weynaha Qaran ee Dastuurka oo maanta Muqdisho ka furmay (Sawiro)

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay Shir-weynaha Qaran ee Dastuurka ee taariikhiga ah oo ay ka qaybgalayaan in kabadan 350 qof oo isaga kala yimid gobolada iyo dalka dibadiisa.

Shirka masuuliyiintii ka soo qaybgashay waxaa kamid ahaa Ku-Simaha Madaxweynaha ahna Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Gudoomiyaha Aqalka Sare, Ra’iisul Wasaaraha XFS, Ergeyga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Danjirayaal, Gudoomiyayaasha Baarlamaanada Dowlad Goboleedyada iyo Wasiiro iyo Xildhibaano katirsan Dowaladda Federaalka iyo Dawlad Goboleedyda.

Wasiir Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo khudbad ka jeediyay Shir-weynaha ayaa sheegay in maanta ay tahay maalin taariikhi ah.

“Mudanayaal iyo Marwooyin, Wasaaradda aan hogaamiyo waxay bahwadaag la noqotay Guddiyada Qaran iyo Wasaaradaha Dowlad Goboleedyada ee ay shaqo wadaagayihiin, waxaan kulamo wadatashiyo ah oo badan la qaadanay dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada. Muddo sanad ah oo qaban-qaabo ah kadib, waxaa maanta noo suurtagashay inaan Shir-weynahan qabano, waa mid taariikhi ah; waa maalin taariikhi oo wadada u xaareysa dhameeystirka Dastuurka iyo xoojinta Sareynta Sharciga”. Ayuu yiri Wasiir Avv Cabdi Xoosh.

Sidoo kale, Gudoomiyaha Gudigga Baarlamaanka iyo Ku-Simaha Gudoomiyaha Gudigga Madaxabanaan ee u xilsaaran dib-u-eegista Dastuurka ayaa iyagana si wadajir ah u sheegeen inay ku faraxsanyihiin qabsoomidda Shir-weynaha Qaran islamarkaana ay xoojin doonaan wadashaqeynta ay Wasaaradda la leeyihiin.

Dhinaca Kale, Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xasan Cali Kheeyre ayaa sheegay in Xukuumadda ay ka go’antahay dhameeystirka Dastuurka. Dhankiisa Gudoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi ayaa tilmaamay in Shir-weynahan uu bilow u yahay Ololaha Dib-u-eegista Dastuurka oo muddo sanad ah socon doona, islamarkaana uu muhiim u yahay dadka Soomaaliyeed.

Ugu dambayn, Ku-Simaha Madaxweynaha ahna Gudoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh ayaa si rasmi ah u furay Shir-weynaha Qaran ee Dastuurka oo muddo seddex maalin ah socon doona.


Posted

in

by

Tags:

Comments

One response to “Shir-weynaha Qaran ee Dastuurka oo maanta Muqdisho ka furmay (Sawiro)”

  1. Abti yariisoow

    Golaha shacabka IYO golaha fulinta
    Waa xaaraan in ay isku milmaan
    Golaha shacabka hala xisaabtamo
    DOWLADA labadeeda hole iyaguna
    Shacabkaa laxisaabtamaya in ay isku she milmaan WAA xaaraan
    Sinaba isma dhex yaaci karaan
    Waxa yar ee maanta soo iftiimay
    Sheekadii wadanku kudumay yaanan
    Dib loo raadin. Ma aha in qolana dhisto qolana bur buriso xaaram

U Jawaab Abti yariisoow Buri halceliska

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com