Site icon Radio Daljir

Shir wadatashi oo kadhici lahaa Muqdisho oo dib u dhacay (dhegayso)

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in uu dib u dhacay shirkii wadatashiga Muqdisho kaas oo todobaad ka hor guddoomiyaha Gobolka uu kaga dhawaaqay degmada Kaxda ee Magaalada Muqdisho.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in shirkaas oo furmi lahaa malainta berri ah uu dib u dhacay ilaa muddo aan la cayimin,waxaana ay xuseen in iyaga ay dib ka sheegayaan waqtiga la qabanayo.

“Waxaan u xaqiijinayaa dadka Muqdishaawiyiinta ah inuu baaqday Shirkii Wadatashiga Nabadeynta iyo Horumarinta Gobolka Benaadir.” Ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed.

https://zeno-devlab.s3.amazonaws.com/media/47591/5a5098310701005e7ce7fcc6/Taabid.mp3?_=1
Exit mobile version