Shir u dhexeya DFS iyo Maamul gobaleedyada oo Muqdisho ka furmay

Kulalankani oo ujeedkiisu ahaa sidii loo horumarin lahaa waxsoo saarka ganacsiga Soomaaliya iyo sidii suuqyo cusub loogu furli lahaa wax soo saarka beeraha Xoolaha iyo kallunka ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho,kaasi oo ay so qaban qaabisay Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Waxaa ka qeybgalay kulankaasi Wasiirada Ganacsiga iyo warshadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Dowlada Goboleedyada,iyo madaxda Rugaha Ganacsiga Soomaliay oyo kuwa maamul Goboleedyada,iyadoo intii uu kulankaasi socday siweyn loogu gurfeeyey sidii loo heli lahaa fursado sahlayo in badeecada Dalka ay hesho suuqyo Caalami ah loona dhoofin lahaa.

Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya oo ka hadlay furitaanka kulankaasi ayaa sheegay in looga baahanyahay Ganacsatada in marka hore ay bixiyaan canshuuraha dalka,taasi oo keeni karta in uu yimaado horumar dhanka ganacsiga ah,isagoo xusay in ka wasaarada ahaan ay qaadanayaan dowrkoodi ku aadan sidii dalka loo gaarsiin lahaa horumar dhianacyo badan leh oo ganacsiga ah.

Sido kale waxaa halkaasi ka hadlaya Wasiiradii ganacsiga Dowlad Goboleedyada,Jubbaland,Fariid Jaamaca Suleymaan,K/Galbeed Warsame Dhoofane Dhaqane,Hirshabeele,Yaxye Ismaaciil Maxamed,Galmudug Cabdiladhiif C/llaahi Warsame,kuwaasi oo sheegay in ay soo dhaweynayaan qorshayaasha lagu horumarinayo ganacsiga Soomaaliya,iyagoo dhanka kale soo bandhigay aqabadaha horyaala dhinaca ganacsiga Dalka oo ay kamid yihiin in ganacsatadu ay ogaadaan in mas’uuliyad weyn ay ka saran tahay bulshadooda.

Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya ayaa wadad dadaalo lagu horumarinayo Ganacsiga Dalka,si loola jaanqaado dunida inteedi kale,iyadoo ay raadinayso fursado dalka lagu maalgashan karo,sida uu sheegay Wasiirka Wasaaraddaasi.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com