Shir Odayaasha deegaanka iyo Maamulka uga socdey Galdogob oo guul kusoo dhamaaday (Dhegayso)

Gal-dogob, Nov 10- Waxaa shalay degmada Gal-dogob lagu soo gabagabeeyay shir muddo sadex maalmood ah oga soconayay maamulka gobolka Mudug iyo odoyaasha deegaankaasi, shirkaas oo ku saabsanaa xalinta rabsho ka dhalatay hawl gal dhawaan ciidanka ammaanka PL ay ka fuliyeen degmadaasi.


Shirkii shalay ayaa ku dhamaaday is-afgarad iyo sidii looga wada qayb qaadan lahaa u hawl-galida xoojinta xasilinta deegaanka, odoyaashii kulankaasi ka qayb galay ayaa mid ka mida? Radio daljir waxaa uu u sheegay inaysan jirin cid laga soo qabtay deegaankaas oo lug ku leh Alshabaab, hase ahaatee ay ka wada hadleen iyaga iyo maamulku danta guud ee degmada.
?
Nabadoon Maxamed Axmed (Af-jabey) ayaa tilmaamay inay masuuliyinta deegaankaasi gaaray ay u tageen dhiraan-dhirinta xaaladaha jira, ka madax dhaqameed ahaan ay ku dadaalayaan inay maamulka kala shaqeeyaan sidii loo adkayn lahaa xasiloonida.


Hadalka Nabadoonka ayaa ku soo aadaya xili gudoomiyaha degmada Gal-dogob uu sheegay in deegaankaasi laga soo qab-qabtay rag ka tirsan kooxda Alshabaab, Xubnihii maamulka gobolka ee uu hor-kacayay gudoomiyaha gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac (Tigey) ayaa la filayaa inay dib ugu soo laabtaan maanta illa berri magaalada Gaalkacyo.


Gal-dogob


(S)
?

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com