Site icon Radio Daljir

Shir-nabadeed Galinsoor uga furmay beelo muddo colaadi dhax taallay.

Galinsoor, May 13 – Shir lagu dhax-dhaxaadinayo beelo ood-wadaag ah oo wada deggan darafyada is-xiga ee gobollada Mudug iyo Galgaduud ayaa maanta ka furmay degmada Galinsoor ee gobolka Galgaduud.

Shirkaan oo ah mid nabadeed ayaa lagu damacsan yahay in xil-buuxa looga gaaro dhibaatooyin colaadeed oo muddo u dhaxaysay beelo walaalo ah oo ku kula abtirsada maamullada Galmudug iyo Ximin iyo Xeeb kuwaaso oo muddooyinkii ugu danbeeyey ay ka dhax-aloosnaayeen xurgufo daba-dheeraaday iyo aanooyin qabiil.

Ergayda ka qayb-galaysa shirkaan ayaa u badan nabaddoon iyo duqay dhaqan oo ka soo kala jeedo labada dhinac ee dhibaatadu u dhaxayso, waxaana intii shiraan lagu guda-jiray is-afgarad buuxa laga gaaray qaar ka mid ah dilalkii iyo dhaawacyadii dhax-yaallay.

Muddada shirkaan loo qoon-deeyey socoshadiisa ayaa lagu wadaa dhammaan in lagu xalliyo dhibkii colaadeed ee beelahaasi u dhaxeeyey, lagana qayb-tamo dhammaan waxyaaabihii la kala tirsanayey.

Xasan Kaafi Maxamed Xalane,
Daljir Guriceel.

Daljir.com

Exit mobile version