Shir madaxeedkii dalalka ku bohoobey IGAD oo Muqdisho ka furmay.

Muqdisho, Sep 13 2016–Shirka Hoggaamiyaasha IGAD ayaa si rasmi ah uga furmay caasumada Soomaaliya ee Muqdisho, iyadoo ay si wadajir ah u shir gudoominayaan Madaxweynaha Soomaaliya, Ra`iisulwasaaraha Itoobiya, Madaxweynaha Kenya iyo IGAD, waxaana looga hadlayaa ilaa hadda qodobo ku saabsan Suudaanta Koonfureed, Soomaaliya & IGAD.

Qodobada shir Madaxeedka Urur Goboleedka IGAD looga hadlayo ayaa waxaa ka mid ah:-

  1. Xasaradda ka aloosan Koonfuurta Suudaan
  2. Arrimaha diyaargarowga Doorashada Soomaaliya
  3. Arrimaha la xiriira iskaashiga
  4. Wax wada qabsiga waddamada IGAD xubnaha ka ah.

Madaxda timid waxaa kamid ah Madaxweynaha Kenya, Ra`iisulwasaaraha Itoobiya & Wakiilo ka socda dawladdaha Jabuuti, Suudaanta Koonfureed, Suudaanta Waqooyi iyo Wakiilada caalamiga ah.

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com