Shir looga hadlayo qorshe howleedka xukuumadda faderaalka (Road Map) oo ka furmaya Nairobi

Nairobi,Jan 08 -Xafiiska siyaasadda QM Soomaliya ee UNPOS ayaa lagu wadaa inuu sirasmi ah maanta uu ugu qabto magaalada Nairobi ee xarunta Kenya shir looga hadli doono dardar galinta qorshe howleedka xukuumadda faderaalka Soomaliya ee ROAD Map oo ay dhincayada Soomaliya horay ugu gaareen Muqdisho.

Ra’isal wasaaraha xukuumadda faderaalka Prof Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo xubno kale oo katirsan xukuumadiisa ayaa la filayaa inay ka qaybgalaan shirkan.

Qorshe howeedka xukuumadda faderaalka ee Road Map ayaa qayb ka ahaa qodobadii kasoo baxay shirkii wadatashiga ee wajigiisa koobaad lagu qabto magaalada Muqdisho horaantii bishii September ee sanadkii hore.

Road Mapka ayaa waxaa qayb ka ah hirgalinta maamul goboleedyo waafaqsan axdiga u dagsan dowladda faderaalka,dib u habaynta baarlamaanka iyo dhamaystirka dastuurka cusub ee loo sameynayo dalka Soomaaliya.

Diiwaanka Wararka
Daljir Boosaaso.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com