Shir looga Hadlayo La dagaalanka Argagaxisada oo ka Furmay Jordan

Axad, Abriil 19, 2015 (Daljir) — Boqorka dalka Urdun, Abdallaha Labaad ayaa Kulan khaas ah oo looga hadlayo Ammaanka iyo La-dagaalanka Argagixisadda ka furay Jesiiradda loo dalxiis tago ee Caqaba oo 325 KM dhanka Koonfurta kaga toosan caasimadda dalkaasi ee Cammaan.

Kulankaasi waxaa Boqor Cabdallaha Labaad ku wehlinayo Madaxweynayaasha dalalka Somalia,Xasan Sheekh Maxamuud,  Djibouti, Ismail Omar Gelle, Kenya, Uhuru Kenyatta iyo Tanzania, Jakaaya Kikweete, waxayna kulankooda oo hal maalin soconayo kaga hadli doonaan sidii ay isaga kaashan lahaayeen Arrimaha Ammaanka iyo sidii ay Beesha Calaamka isaga kaashan lahaayeen La-dagaalanka Argagixisadda iyo Xag-jirnimadda.

Wakaalladda Wararka Urdun ee Petra News Agency ayaa sheegtay in uu Boqor Abdallaha Labaad Kulan kale la qaatay Wasiirka Gaashaandhigga Faransiiska, Jiin Yafes Le Diriyan, kana wada hadleen xaalladihii ugu dambeeyey ee dalka Yemen iyo Iskaashiga Hawlgalladda ka dhanka ah Kooxaha Argagixisadda.

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com