Site icon Radio Daljir

Shir looga hadlayo Arrimaha Barakacayaasha oo Muqdisho ka Furmay (dhegayso)

Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Dalka Waxaa maanta ka Furmay shir looga hadlayo Arrimaha Barakacayaasha Dalka iyo sidii loo caawin lahaa dadka dhibaataysan,qorshena loogu samayn lahaa.

Shirkan oo ay ka qayb galayaan Masuuliyin katirsan Dowladda Federaalka ah,gaar ahaan Wasaaradda Arrimaha Guddaha DFS ,ayaa waxaa uu socon doona mudo labo malmood ah.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayasha Qaranka Axmed Cabdikariin Nuur ayaa faahfaahin ka bixiyay Shirkaasi, waxaana uu sheegay in diiradda lagu saari doona Shirkaan sidii shaqo abuur iyo Qorshe loogu sameyn lahaa Barakacayaasha.

Hoos kadhegayso

https://zeno-devlab.s3.amazonaws.com/media/47591/5a2e8a090801003858a5afc5/Axmed.mp3?_=1
Exit mobile version