Shir looga hadlayo Amaanka oo kadhacay Magaaladda Gaarisa

Shir looga hadlayo Amaanka oo kadhacay Magaaladda Gaarisa

Shir looga hadlayay iskaashi laga sameeyo dagaalka Al-Shabaab, xoojinta Ganacsiga iyo iskaashi dhanka maamulka oo u dhaxeeya maamulada Jubbaland iyo ismaamulka Gaarisa ayaa xalay lagu soo gaba gabeeyay magaalada Gaarisa ee Waqooyi Bari dalka Kenya.

Shirkan oo mudo labo cisho ah ka socday magaalada Gaarisa ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Urur Goboleedka IGAD iyo Hay’ado nabada ka shaqeeya,waxaana dhanka Maamulka Jubbaland uga soo qeyb galay Mas’uuliyiin ka socotay degmooyinka Badhaadhe iyo Dhoobley halka maamulka Gaarisa ay u matalayeen Ergooyin ka socotay degmooyinka Dadab iyo Faafi oo oo dhaca Xuduuda kala qeybiya Kenya iyo Soomaaliya.

Inta uu socday shirka ayaa labada dhinac waxay si xoogan iskula jeex jeexeen sidii iskaashi buux labada maamul uga sameyn lahaayeen xagga amniga, islamarkaana meel looga soo wada jeesto Ururada Al-Shabaab loona sii laba jibaari lahaa dagaalka lagula jiro.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com